Gianluigi Donnarumma oo Rikoor Taariikhi ah ka dhigay Horyalka Serie A-da, maxuu yahay?

0
Sunday April 15, 2018 - 16:38:47 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gianluigi Donnarumma oo Rikoor Taariikhi ah ka dhigay Horyalka Serie A-da, maxuu yahay?

    Axad-Milan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-Milan


Goolhayaha Kooxda AC Milan Donnarumma,ayaa jebiyay rikoor muddo qarni ku dhow yaallay Serie A-da Talyaaniga,waxaana uu noqday ciyaaryanka ugu da’da yar ee Serie A oo safta 100 kulan oo horyaalka ah.

Xiddiggan ayaa jira 19 sano, hal bil iyo 21 maalmood,waxaana uu noqonayaa xiddigga ugu da’da yar Serie A ee gaara safashada 100 kulan oo horyaalka Talyaaniga ah.

Donnarumma ayaa kusoo bilowday kulan hada soconaya oo kooxdiisa AC Milan soo dhaweysay Kooxda Napoli kulan labada kooxoodba muhiimad gaar ah u leh,waxaana ay doonayaan in ay u soo baxaan tartanka Champions League.

Xiddiggan waxaa uu dhaafay xiddigo ay ka midyihiinGianni Rivera, Silvio Piola, Roberto Mancini, Paolo Maldini iyo Francesco Totti oo soo noqday kuwa ugu da’da yar ee saftay Serie A.

 

Donnarumma,waxaa ay laba Sano uga dhimantahay da’dii uu Buffan ku gaaray safashada 100 kulan oo Serie A ah,waxaana uu ku gaaray isaga oo 21 Sano iyo 100 maalmood jir ah sanadkii 1999kii.

Kulankiisii ugu horreeyay waxaa uu AC Milan u saftay October 25 2015kii,waxaana kooxdii ugu horreysay oo uu ka hortagay ay ahayd Sassuolo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip