Arsenal oo guuldaro Bah-dilaad ah kala kulantay Newcastle United iyo Wenger naga tag oo Durba bilaabatay!!

0
Sunday April 15, 2018 - 18:47:50 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal oo guuldaro Bah-dilaad ah kala kulantay Newcastle United iyo Wenger naga tag oo Durba bilaabatay!!

    Axad-England

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-England

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay dhigeeda Newcastle United kulan ka tirsanaa Horyalka Ingiriiska Todobaadkiisa 34aad oo ka dhacay garoonka St James' Park.

Gunners ayaa hogaanka ciyaarta u qabatay daqiiqadii 14aad waxaana gool qurux badan u saxiixay Alexandre Lacazette oo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Newcastle oo garoonkeeda joogta ayaan waqti badan lagu sii lahaan goolkaas, waxaan goolkii bareejada u keenay Ayoze Perez daqiiqadii 29aad ciyaarta ayaana noqotay garba siman oo 1-1 ah, sidaas ayaana lagu kala nastay Qeybtii hore.


Dib marka loo baastay ciyaarta, labada dhinac ayaa sameeyay Fursado dhowr ah kuwaas oo goolal badan ay isaga dhalin kareen lakiin labada Goolhaye ayaa dadaal dheeraad ah sameeyay oo bad baadin fiican la yimid.

Kooxda martida loo ahaa ee Newcastle ayaa markeeda Hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 68aad waxaana 2-1 ka dhigay MattRitchie oo baas fiican ka helay saxibkiis Ayoze Perez.

Guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 oo guusha ay ku raacday Newcastle United, Guushaas ayaana kaga dhigan in ay si fiican kaga fogaadaan booska loogu laabto Horyalka Heerka labaad.

.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip