SECAFA oo dhibcaha u celisay Somaliya, ganaaxdayna Itoobiya

0
Monday April 16, 2018 - 11:01:52 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SECAFA oo dhibcaha u celisay Somaliya, ganaaxdayna Itoobiya

    Xiriirka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika ee SECAFA ayaa Soomaaliya u soo celiyay saddex dhibcood iyo saddex gool kaddib markii xulka Itoobiya lagu helay in ay ciyaarsiiyeen ciyaartooy ka weyn da'da loo baahnaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika ee SECAFA ayaa Soomaaliya u soo celiyay saddex dhibcood iyo saddex gool kaddib markii xulka Itoobiya lagu helay in ay ciyaarsiiyeen ciyaartooy ka weyn da'da loo baahnaa.




Tartanka Kubadda Cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa ka socda Dalka Burundi waxaana ciyaaraya ciyaartooyda ay da’doodu ka hooseyso 17 jirrada.


 

Baaritaan uu xiriirka sameeyay ayuu ku ogaaday in Itoobiya ay Garoonka ugu jireen 3 ciyaaryahan oo ka weyn 17 jir,sidaas ayaana lagu baabi;iayy natiijadii ciyaarta.


 

Itoobiya ayaa Soomaaliya uga badisay 3-1,hayeeshee baaritaan kaddib natiijada ayaa hadda ah in Soomaaliya ay leedahay saddex dhibcood iyo Saddex Gool,waxaana Berri oo Talaado ah ay la ciyaari doonaan xulka marti geliyayaash ah ee Burundi.



 

Xiriirka SECAFA ayaa sidoo kale Dowladda Itoobiya ku ganaaxay lacag dhan $5000 oo doollarka Mareykanka ah,waxaana maanta oo Isniin ah lagu celinayaa Adis ababa saddexda ciyaaryahan ee ka qweyn da’da 17 jirrda.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip