Michy Batshuayi oo Qatar ugu jira inuu seego Koobka Adduunka, (Ogow sababta)

0
Monday April 16, 2018 - 14:06:22 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Michy Batshuayi oo Qatar ugu jira inuu seego Koobka Adduunka, (Ogow sababta)

    Isniin-Germany

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin-Germany


Xiddiga qaabka Deeynta ah ugu ciyaara Kooxda Dortmund , Michy Batshuayi ayaa lagu soo waramayaa in uu dhaawac weyn soo gaaray kaddib markii uu jilibka ka dhaawacmay.

Xiddiggan ayaa kooxdiisu waxaa ay guul darro 2-0 ah kala kulantay Kooxda ay deriska yihiin ee Schalke,iyada oo ay kooxdan 4 dhibcood xilli ciyaareedkan ka qaadatay Dortmund.

Schalke ayaa labada gool ka heshay xiddigaha kala ahYevhen Konoplyanka iyo Naldo,iyada oo sidaas lix dhibcood uga fogaatay kooxda ay ku dagaallamayeen kaalinta saddexaad ee Bundesliga.

Michy Batshuayi,ayaa ciyaarta Bareello looga saaray waxaana la sheegayaa in uu soo gaaray dhaawac culus oo dhinaca Jilibka ah.

Weeraryahanka Chelsea ee amaahda kula jooga Dortmund waxaa ay isku dhaceen xiddiggii hore ee Qadka dhexe uga ciyaari jiray Kooxda Tottenham,Benjamin Stambouli.

 

Michy,ayaa si weyn uga dhexmuuqday xilli ciyaareedkan kaddib markii uu amaah ugu biiray isaga oo hadda sii maraya wax ka badan 9 gool kulamo dhowr ah oo uu u saftay Kooxda Reer Germany.

Ninkan ayaa dhibsaday keydka Chelsea waxaana uu ka doortay amaah in uu ku boxo intii uu noqon lahaa keydley ka tirsan Chelsea.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip