Ousmane Dembele oo markii ugu horeeysay ka hadlay mustaqbalkiisa Barcelona, maku qanacsanyahay misa?

0
Monday April 16, 2018 - 15:10:09 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ousmane Dembele oo markii ugu horeeysay ka hadlay mustaqbalkiisa Barcelona, maku qanacsanyahay misa?

    Isniin-Barcelona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin-Barcelona


Ousmane Dembele ayaa ku adkeysanaya inuu joogi doono kooxda LaLiga "muddo dheer” inkastoo uusan weli qaab ciyaareed fiican ku jirin.

 

Dembele, oo 20 sanno jir ah, ayaa Barcelona kaga soo biiray Borussia Dortmund bishii August sannadkii hore isagoona ugu soo biiray aduun fhan € 105million.

 

Si kastaba ha ahaatee, dhaawac muruqa ah oo soo gaaray xilli ciyaareedkii hore xidiga reer France, ayaa keentay inuu safto 12 kulan oo horyaalka ah – todobo ka mid ah ayuuna kuso bilowday xilli ciyaareedkan.

 

Laakiin Dembele ayaa weli qorsheynaya inuu isku tijaabiyo Barcelona, ​​isagoo diidan inuu ka tago dhamaadka xilli ciyaareedka.

 

"Ma doonayo inaan baxo kaliya hal xilli ciyaareed,” ayuu u sheegay Mondo Debortivo. "Waxaan saxiixay qandaraas shan sanno ah oo Barcelona ah.

 

"Waxaan halkan joogayaa muddo dheer.”

 

Imaanshiyaha Antoine Griezmann oo ka imaanaya Atletico Madrid xilli ciyaareedka soo socda ayaa dhaawici karta Dembele ee waqtigii uu ku ciyaari lahaa Camp Nou.

 

Laakiin Dembele ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu tartan ugu jiro boosaska kooxda Barcelona.

 

"Waa Barca, waa sidaasi, waxaan ku faraxsanahay in [Philippe] Coutinho uu yimid,” ayuu yiri waana sii joogi doona mudo fog ayuu hadalkiisa kusoo koobay Osmane.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip