Xiddigaha 17-jirada Dalkeena Soomaaliya oo Hal lug la galay Wareega Afar-dhamaadka Tartanka Cecafa U-17.

0
Wednesday April 18, 2018 - 00:02:18 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiddigaha 17-jirada Dalkeena Soomaaliya oo Hal lug la galay Wareega Afar-dhamaadka Tartanka Cecafa U-17.

    Arbaco-Somalia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-Somalia


Xulka qaranka dalkeena Soomaaliya gaar ahaan ciyaartooyda da’doodu ka hoosayso 17-ka sanno ayaa hal dhibic ka helay Burundi oo ah marti galiyaasha tartanka Cecefa under-17 kaddib markii ay wada galeen bar baro 0-0.

Kullanka ayaa ka dhicay garoonka Ngozi ee ku yaala magaalada Bujumbura oo ah caasimadda Brundi.

Xulkeena ayee leh afar dhibcood, waxaana hal lug ay lasii galeen Sami Finalka Tartanka.

Dhanka kale kullankii u dhaxeeyay Itoobiya iyo Kenya ayaa kusoo dhambaday bar baro 0-0.

Burundi ayaa lagu leeyahay afar gool oo deen ah, halka Itoobiya iyagana lagu leeyahay saddex gool.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa wada leh min afar dhibcood halka xulalka ku guruubka ah ay leeyihiin min hal dhibac.

Wax ka badan 7 gool ayee kusoo bixi karaan labada Xul ee kala ah Brundi iyo Itoobiya, natiijada nuucaas ah ayaa ku xiran in midkood oo Kenya iyo Soomaaliya loogu badiyo ugu yaraan afar gool.

Kullamada soo aadan ayaa waxaa is arki doono Burundi iyo Itoobiya, halka Soomaaliya iyo Kenya ay wada ciyaari doonaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip