Mohamed Salah oo Taariikda Liverpool iyo Champions League baal dahaba ka galay, Sidee?

0
Wednesday April 25, 2018 - 09:17:28 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mohamed Salah oo Taariikda Liverpool iyo Champions League baal dahaba ka galay, Sidee?

    Arbaco-Liverpool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-Liverpool


Mohamed Salah ayaa guul wayn ku hogaamiyay kooxdiisa Liverool Lugta 1aad ee wareega Afar dhamaadka koobka Champions League oo ay wajheen kooxda Roma oo marti ku ahayd Anfiled .

 

Waxa ay ku garaacen 5 gool iyo laba xilli Firminho uu lahaa laba gool halka midna uu lahaa Mane , waxaana dhinaca Roma u dhaliyay Dzeko iyoDiegoPerotti waxa ayna kala yimaadeen daqiqiadihii 81-aad iyo 85-aad ee dhamaadka ciyaarta

 

Salah ayaa Liverpool u dhaliyay laba gool qeybtii hore ee ciyaarta kuwaasi oo kala yimid daqiiqadihii 36-aad iyo 45-aad .

Salah ayaa haatan sidaas ku leh 10 gool oo Champion-ka ah xili ciyaareedkaan xilli guud ahaan uu xilli ciyaareedkaan uu dhaliyay 42 gool dhamaan tartamada ay Liverpool ku jirto .

 
 

Haatan , kaliya waxaa Salah ka sareeya laacibkii hore Liveropool ee Ian Rush kaasi oo xilli ciyaareedkii 1982/1983-dii dhaliyay 47 gool halka Salah uu sidoo kale bar bareeyay Roger Hunt oo xili ciyaareedkii 1961/1962-dii dhaliyay 42 gool hal xilli ciyaareed dhamaan tartamada .

Sidoo kale Salah ayaa noqday laacibkii ugu horeeyay ee Liveropol oo 5 kulan isku xigts Champion-ak ah soo taabta shabaqa xilli sidoo kale uu noqday laacibkii ugu horeeyay ee qaaradad africa ah oo hal xilli ciyaareed gudihiisa Champion-ka kaga dhaliya 10 gool





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip