"Shaki kuma jiro inuu yahay ciyaaryahanka adduunka ugu fiican": Gerrard oo sheegay in Salah uu ka horeeyo Messi iyo Ronaldo!!

0
Wednesday April 25, 2018 - 10:15:56 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Shaki kuma jiro inuu yahay ciyaaryahanka adduunka ugu fiican": Gerrard oo sheegay in Salah uu ka horeeyo Messi iyo Ronaldo!!

    Arbaco-Champions League

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-Champions League


Kabtankii kooxda Liverpool hadana ah Falnqeeye Ciyaaraha, Steven Gerrard ayaa si wayn ula dhacay qaab ciyaareedka Weeraryahank Kooxda Reds Moahmed Salah.

Salah ayaa xalay laba gool u dhaliyay kooxdiisa Liverpool isagoo guul weeyn ku hogaamiyay Lugta hore ee wareega Semi-Finalka Champons League, isagoo Bareejeeyay Rikoor uu horay u heystay Gerrard.

Steven Gerrard,ayaa sheegay in Saalax uu yahay Nin Adduunyo kale ka yimid islamarkaana hadda ka wanaagsan Ronaldo iyo Messi marka loo eego bandhigga uu ka sameynayo tartanka ugu adag kubadda Cagta ee Premier League iyo Champions League.

"waxa aan shaki ku jirin, waa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka" ayuu yiri Gerrard.


Saalax ayaa labo dhaliyay labo kalena caawiye ka ahaa kulankii xalay ay ku dur duriyeen Naadiga Roma ee mucjisada ku dhigtay Kooxda Barcelona labo todobaad ka hor.

 

Saalax ayaa hadda ka goolal sarreeya dhamaan tartamada Messi iyo Ronaldo,waxaa uu leeyahay 43 gool halka Ronaldo uu leeyahay 42 ,Messina ka yahay 41 gool.

Ciyaarta xalay ayaa ku dhamaatay 5-2,waxaana la isku hayaa Roma ma sameyn kartaa mucjisadii Barcelona oo waliba labo soo laabasho hal xilli ciyaareed ma sameyneysaa taas oo aan wlai tartanka uga dhicin



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip