Xulka Qaranka Dalkeena Soomaaliya oo maanta la ciyaari doono Dalka Uganda, Afar Dhamaadka koobka CECAFA U-17.

0
Wednesday April 25, 2018 - 11:09:00 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Qaranka Dalkeena Soomaaliya oo maanta la ciyaari doono Dalka Uganda, Afar Dhamaadka koobka CECAFA U-17.

    Arbaco-Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-Afrika


Xulka Qaranka Dalkeena Soomaaliya ayaa maanta la ciyaari doona dhiggiisa, dalka Uganda iyadoo ciyaartoyda 17-jirrada Qarankeenna ay galabta ciyaar xiiso badan kula qaadan doonaan garoonka Ngozi ee magaalada Bujunbura.

Kulankaas waxay xulka Qaranka Soomaaliya diyaar garow ugu jiraan in ay ku aadaan finalka koobka, haddii ay guuleystaan.

Somalia Un17 xiddigahoodu waxay kasoo gudbeen Guruubka iyagoo wata 7 dhibcood, xilli ay soo garaaceen xulka Kenya oo ay 1-0 uga badiyeen, sidoo kale habka dhibca soo celinta Sharciga ah ayey Itoobiya uga heleen 3 dhibcood iyo 3-0, maaddama xiddigaha Itoobiya lagu helay in ay ciyaarsiiyeen xiddigo ka weyn da’da tartanka loogu talagalay.

Sidoo kale xulka koobka Martigelinaya ee Burundi ayey 0-0 kula garab dhaceen, taasoo la macno ah in ay ahaayeen xulka Guruubka ugu sarreeyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip