Xog: Afar Qodob oo kuu muujineysa in Mohamed Salah Sanadkaan u qalmo Ballon d'Or!!

0
Saturday April 28, 2018 - 00:16:13 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Afar Qodob oo kuu muujineysa in Mohamed Salah Sanadkaan u qalmo Ballon d'Or!!

    Sabti-Liverpool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti-Liverpool


Weeraryahanka kooxda Liverpool iyo xulka Masar Mohamed Salah ayaa ku jira qaab ciyaareed ka yaabiyey dhamaan kooxaha aduunka Xili ciyaareedkaan.

 

Salah ayaa u dhaliyey Liverpool xili ciyaareedkaan 43 gool tartamada oo dhan,waana xidiga ugu goolasha badan dhamaan horyalada yurub.

 

Hadaba halkaan waxaan ku egeynaa 4 sababood oo Salah uu ugu qalmo inuu ugu guleysto Abaalmarinta Ballon d’Or.

 

#4 Ku guuleysiga abaalmarinta PFA Player of the Year

 

 

Mohamed Salah ayaa dhowaan loo doortay xidiga ugu fiican sanadka ee Horyaalka Ingiriiska,waxaana uu abaalmaristaas ku garaacay xidiga Kooxda Manchester City Kevin de Bruyne.

 

Taageeraysha Horyaalka Ingiriiska ayaa Salah u doortay Ciyaaryahanka ugu wanaagsan ee Sanadka,Inkastoo Kevin de Bruyne uu kooxdiisa ka saacidey ku guuleysiga Horyaalka Premier league hadana uma suuragalin inuu abaalmarintaan ku guuleysto.

 

Salah ayaa hada hogaaminaayo gooldhalinta Horyaalka waxaana uu 5 gool ka sareeya xidiga ku soo xiga ee Harry Kane.

 

#3 Diiwaan gelinta xidigaha ugu goolasha badan Premier League

 

 

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa haatan ka mid noqdey xidigaha ugu fiicnaa ee gool dhalinta taariikhda Premier League, isagoo dhaliyay 31 gool. Horyaalka waxa sidaas sameeyay kaliya Thierry Henry, Cristiano Ronaldo iyo Luis Suarez oo horey uga soo ciyaarey England.

 

xitaa waxaa laga cabsi qabaa inuu dhaliyo goolal kale maadama hada uu weli heysto 4 kulan si uu rikoodh kale uga sameeyo Taariikhda horyaalka.

 

Iyadoo la tixgelinayo in Salah uu qabta shaqadas gooldhalinta waxaa laga yaaba in codbixiyaasha abaalmarinta Ballon d’Or ay il gaar ah ku eegaan xidigaan.

 

#2 Bandhigiisa Tartanka Champions league

 

 

Mohamed Salah 11kii kulan ee ugu dambesey uu u ciyaarey Liverpool Tartamada Yurub oo dhan, waxa uu dhaliyay 10 gool waxaana uu caawiyay 4 kale.

 

Waxaana uu hada ku jira qaab ciyaareed sareeya oo dhanka Champions league iyadoo kooxdiisu ay u muuqato inay hal lug la sii gashay Final-ka Championka kadib markii ay 5-2 kaga badiyeen kooxda Roma,iyadoo Salah uu dhaliyey 2 gool 2 kalana caawiyey.

 

#1 Inuu ka fiicanyahay asxaabtiisa

 

 

Messi ayaa hogaaminaya gooldhalinta Horyaalka isagoo leh 29 gool halka xiddiga reer Portugal uu leeyahay 24 gool. Champions League ayaa loolan kala kulmay Ronaldo, iyadoo 15 gool uu ka dhaliyey xilli ciyaareedkan

 

Mo Salah ayaa horyaalka ka dhaliyey 31 gool halka uu 10 gool ka dhaliyey Champions League ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip