Cec Fabregas oo Rikoor cajiib ah kala baxay Kulankii Swansea City, maxu yahay?

0
Sunday April 29, 2018 - 01:06:02 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 82
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cec Fabregas oo Rikoor cajiib ah kala baxay Kulankii Swansea City, maxu yahay?

    Axad-Chelsea

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-Chelsea


Chelsea ayaa guul dhaf la caari ah ka gaartay kooxda Swansea City Ciyaartii ku tirsaneyd Horyalka Ingiriiska ee ka dhacday Gobalka Wales.

Xiddiga khadka dhexe ee Blues Cesc Fabregas ayaa kooxdiisa Chelsea u dhaliyay goolka kaliya ee ay ku gaartay guusha daqiiqadii 4-aad ee qaybtii hore ee ciyaarta.

Cesc Fabregas ayaa dhigay rikoor cajiib ah oo premier League ah kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Swansea City,Xiddiga reer Spain ayaa dhaliyay goolkii 50-aad ee horyaalka premier League intii uu joogay

Taas ayaa la macno ah in uu cesc Fabregas noqday xiddigii 3-aad ee Spain ah ee gaara rikoorkaas isaga oo ka dambeeya xiddigaha Diego Costa iyo Fernanado Torres.

 

Diego Costa ayaa dhaliyay 85 gool halka uu xiddiga Fernanado torres dhaliyay 52 gool intii ay kala joogeen Liverpool iyo Chelsea.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip