Salah , Mane iyo Firmino oo Rikoodh cusub ka dhigay Champions League

0
Thursday May 03, 2018 - 11:48:22 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Salah , Mane iyo Firmino oo Rikoodh cusub ka dhigay Champions League

    Khamiis- Liverpool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis- Liverpool


Inkatsa oo ay xalay guuldarro la kulantay Liverpool waxay xaqiijisay in ay usoo gudubtay fiinaalka Champions League kadib 11 sano waxaana Rikoodh sameeyay weeraryahanadeeda wacdarahawehelka u noqday sanadkan kadib ciyaar isugayn 7-6 oo ay Roma la yeesheen labadii lug ee wareegga Semi finaalaha.


 

Kooxda Reds-ka waxay 5-2 uga soo badisay kooxda Roma, ciyaartii Anfield waxayna hoggaanka ku hayeen 2-1 qeybta hore kulankii Rome.



 

Si waliba, Jurgen Klopp wiilashiisa 3 gool ayaa laga dhaliyay qeybta dambe, iyadoo Zinedine Zidane kooxdiisa oo kusii sugeysay finalka.


 

Sadio Mane iyo Georginio Wijnaldum ayaa u dhaliyay Liverpool Labada gool oo rikoodhna uu ku jiray, waxayna Champions League kooxdu Sanadkan ka dhalisay 46 gool.


 

Goolasha ugu badan ee Champions League Sanad qura laga dhaliyo (Xataa is reereebka):

 

Liverpool (2017/18) – 46 gool Kualmo dhan 14 Ciyaarood

Barcelona (1999/2000) – 45 gool 16 kulan

Real Madrid (13/14) – 41 Gool 13 Kulan

Manchester United (2002/03) – 37 gool 16 kulan

Real Madrid (16/17) – 36 Gool 13 kulan


Dhanka kale Rikoodh wanaagsan waxa sameeyay Weerarka kooxda Reds ee 3 Aflaha ah, waxayna koobkan ka dhaliyeen 29 gool.


 

Liverpool waxay gaartay Champions League final iyadoo Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Sadio Mane ay rikoodh ka jebiyeen Cristiano Ronaldo, Gareth Bale iyo Karim Benzema waana Gooldhaliyeyaashii ugu Goolasha badnaa Champions league Taariikhda.


Seddaxda Weeraryahan ee ugu Wanaagsanaa Sanad qura Ciyaaraha Champions league


 

Salah-Firmino-Mane | Liverpool 2017-18 | Golal: 29


 

Ronaldo-Bale-Benzema | Real Madrid 2013-14 | Goolal: 28


 

Messi-Neymar-Suarez | Barcelona 2014 -15 | Goolal: 27





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip