RASMI: Burnley oo 51-sano kaddib usoo baxday Europa League.

0
Sunday May 06, 2018 - 11:24:46 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Burnley oo 51-sano kaddib usoo baxday Europa League.

    Axad-England

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-England


Kooxda Kubadda Cagta Burnley ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay u gudubtay Koobka Labaad ee Kooxaha Yurub ee Eureopa League ka horinta aysan kulan maad udag la ciyaarin Kooxda Arsenal.

Bar-Barihii ay kooxda Everton la gashay Southampton ayaa la macno ah in ayna Everton dhaafi karin kooxda Burnley baasaska 7-da kooxood ee ugu saraysay horyaalka premier League.

Kooxda Burnley ayaa haatan si Rasmi ah u xaqiiqsatay booskooda is reeb-reebka Europe League xilli ciyaareedka dambe iyaga oo ka qayb qaadan doona tartanka.

Taas ayaa la macno ah in ay kooxda Burnley ku soo laaban doonto tartanka Europe League marii ugu horaysay kadib 51 sano oo ay ka maqnaayeen.

Guul ay kooxda Burnley ka gaarto Arsenal maalinta Axada ayaa la macno ah in ay isku dhibco noqon doonaan kooxda Arsenal inkasta oo ay Gunners hal kulan gacanta u haysato.

Kooxda Burnley ayaa kulankeeda ugu horeeya ee is reeb-reebka Europe League ciyaari doonta 26 bisha July laba todobaad kadib marka uu koobka adduunku dhamaado.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip