Ronaldo oo gaaray Rikoor uu horay u dhigay Alfredo di Stefano, maxuu ahaa?

0
Monday May 07, 2018 - 10:19:46 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ronaldo oo gaaray Rikoor uu horay u dhigay Alfredo di Stefano, maxuu ahaa?

    Isniin-Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin-Madrid


Weeraryahanka Kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa gaaray Rikoor uu horay u haystay Halyeeyga kooxdaas Alfredo di Stefano oo ah goolasha laga dhaliyo kulanka El-Clasico.

Xiddiga reer Portugal ayaa goolka bar-baraha dhaliyay daqiiqadii 14-aad kadib kubad madax ah oo uu Karim Benzema ku beegay goolka.

Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii 18-aad ee kooxda Barcelona tan ilaa markii uu ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee El Clasico.

Lionel Messi ayaa wali ka horeeya Ronaldo iyo Di Stefano maadama uu xiddiga reer Argentine dhaliyay 26 gool kulamada uu ka hor tagay Real Madrid.

Xiddigii hore ee Man United ayaa ciyaaray 30 kulan oo El Clasico ah tan ilaa markii uu yimid Spain isaga oo dhaliyay 16 ka mid ah kulana 2 gool dhaliyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip