Lionel Messi: Goolkii uu dhaliyay kulankii El-Clasico maxuu ka badelay Tartanka Gooldhalinta LaLiga iyo Kabta Dahabka ee yurub.

0
Monday May 07, 2018 - 11:10:51 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lionel Messi: Goolkii uu dhaliyay kulankii El-Clasico maxuu ka badelay Tartanka Gooldhalinta LaLiga iyo Kabta Dahabka ee yurub.

    Isniin-Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin-Yurub


Goolki uu dhaliyay kulankii El-Clasico ee xalay Lionel Messi ayaa ka dhigan in uu si wayn uga caawin doono ku Guuleysiga Gooldhalinta Horyalka Spain iyo Kabta dahabka ee Qaaradda yurub..

Goolkii uu dhaliyay qaybtii dambe ee kulankii El Clasico ayaa ahaa goolkiisii 33-aad ee horyaalka xilli ciyaareedkan waxana ay la macno tahay in uu Mohamed salah kaga fogaaday tartanka kabta dahabka ah kaas oo haatan 2 gool ka dambeeya.

Dhanka gool dhalinta maxaliga ah gaar ahaan tartanka loogu jiro abaalmarinta Pichichi Messi ayaa wali ka horeeya Cristiano Ronaldo oo leh 25 gool inkasta oo uu xiddiga Real Madrid dhaliyay Clasico-da.

Sidoo kale kulankii caawa ayaa ahaa goolkii 26-aad ee uu ka dhaliyay kooxda Real Madrid isaga oo sii dheeraystay gool dhalintiisa El Clasico.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip