Michael Carrick oo soo Xuli doona Xiddigaha Qadka dhexe ee Man Uited ay lasoo wareegeyso, Sidee iska hubi!!

0
Wednesday May 09, 2018 - 16:50:38 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Michael Carrick oo soo Xuli doona Xiddigaha Qadka dhexe ee Man Uited ay lasoo wareegeyso, Sidee iska hubi!!

    Arbaco-Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-Manchester


Tababaraha Kooxda Man United ee Jose Mourinho ayaa kabtanka kooxdiisa Michael Carrick u xil saaray in uu kooxda u dooro 3 xiddig khadka dhexe ah midkooda sida uu ogaatay Wargayska Merto.

36 jirka reer England ayaa ku dhaw in uu ku biiro tababarka shaqaalaha kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu ciyaaraha ka fariisto.

 

United ayaa ugu yaraan suuqa u gali doonta laba xiddig oo khadka dhexe ah oo ay ku buuxiso booska Carrick iyo hadii uu Marouane Fellaini diido in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man United.

Mourinho ayaa xiriir weyn la leh Carrick waxana uu ku aaminsay in uu u dooro xiddigaha ay tahay in ay kooxdu u dhaqaaqdo isaga oo ku socon doona go,aankiisa marka uu suuqu furmo.



Wargayska Metro ayaa fahamsan in Man United xiiso u qabto xiddiga Shakhtar Donetsk Fred, Xiddiga Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic Iyo xiddiga Napoli ee Jorginho.

United ayaa la fahamsan yahay in ay dhigeeda Man city kaga horayso saxiixa xiddiga Jorginho kaas oo qirtay in uu doonayo in uu kusoo biiro Premier Lague halka ay sidoo kale Fred doonayso in ay ku garaacdo City.

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip