Koox Ingiriiska ah oo Dalab Cajiib ah kasoo gudbisay Tababare Wenger, waa tuma?

0
Thursday May 10, 2018 - 11:03:40 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koox Ingiriiska ah oo Dalab Cajiib ah kasoo gudbisay Tababare Wenger, waa tuma?

    Khamiis-Suuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis-Suuqa


Kooxda Kubadda Cagta Everton ee dalka Ingiriiska ayaa la xaqiijiyay in ay ugu dhowdahay la wareegidda tababaraha Reer France ee ka tagaya Kooxda Arsenal.

Wenger ayaa sheegay in uu helayo codsiga kooxo badan oo uu sheegay in ay ka badanyihiin sida uu filayay,waxaana uu sheegay in uu qiimeynayo codsiyada kooxaha kala duwna ee daneynaya.

Kooxda Everton ayaa dooneysa in ay ceyriso tababare Big Sam,iyada oo ku beddeleysa Wenger,waxaana tababraha hadda rajo xumo ka muujiyay taageerayaasha Kooxda.

Milkiilaha Reer Iraan ee saamiga ugu badan ku leh Everton Fahad Moshiri ayaa ballan qaaday in Wenger uu siinayo 8Milyan oo lacagta Ingiriiska ah taas oo ah lacagtii uu ka qaadanayay Kooxda Arsenal ee uu hadda ka tagayo.

Wenger labada kulan ee ugu dambeysa ee Arsenal waxaa uu la ciyaari doonaa Kooxaha kala ah Leicester City iyo Huddersfield Town.


Waxaa kale oo jira in uu dalabyo kala duwan ka helay dalalka Sucuudiga,China,Spain iyo dalkisia France waxaana lagu xamanayaa Kooxda PSG oo uu tababare Unai Emery ka tagayo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip