Mauricio Pochettino oo shaki galiyay Mustaqbalkiisa Tottenham Hotspur, Ogow sababta..

0
Monday May 14, 2018 - 11:44:48 in Wararka by
  • Visits: 141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mauricio Pochettino oo shaki galiyay Mustaqbalkiisa Tottenham Hotspur, Ogow sababta..

    Isniin-London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin-London

Mauricio Pochettino ayaa sheegay in laga yaabo inuu ka tago kooxda Tottenham Hotspur haddii kooxda aysan awoodin in Lacago farabadan la galiyo.

46 jirkaan ayaa shaaca ka qaaday ka dib markii uu 5-4 ku dhameystay kulankii ugu dambeeyay ee Leicester City inuu qorsheynayo inuu wadahadal la yeesho guddoomiyaha kooxda Daniel Levy isbuuca soo aadan.

Pochettino, ayaa booska seddexaad u soorta galiyay Spurs seddexdii sanno ee ugu danbeysay Premier League, waxaana uu aaminsanyahay in dhaqaalo loo baahanyahay hadii kooxda la doonayo inay koobab ku guuleysato Sanadka dambe.

"Maanta, boqolkiiba 100 ayaan dareemayaa inaan halkan joogo, laakiin waa muhiim in laga fikiro inaan berrito isbedeli karo, maxaa yeelay go'aanka kuma jiro gacmahayga," ayuu u sheegay wariyeyaasha. "Waxaan ku tiirsanahay madaxdeeyda,kooxda, iyo taageerayaasha hadaa shaqada weeyso waxey ku dhihi doonaan Mahadsanid berri.

"Haddii aadan xirfad lahayn, waxaad u baahan doontaa inaad ogaatid waxa aan sameyneyno, waxaana u baahanahay inaan sheegno runta oo aan abuurno rajo ah inaan ku guuleysan karno.

Tottenham ayaa 5-4 ku garaacday Leicester iyagoo bar-bareeya Eikoorka goolsha ugu badan ee kulan Wembley Stadium laga dhaliyo, iyadoo Chelsea ay 5-4 ku garaacday kooxda Manchester City ciyaartii finalka Full Members Cup ee 1986.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip