CSKA Moscow oo doonysa saxiixa Ahmed Musa

0
Tuesday May 15, 2018 - 11:02:11 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 71
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CSKA Moscow oo doonysa saxiixa Ahmed Musa

    Talaado-Russia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-Russia

Agaasimaha isboortiga CSKA Moscow Roman Babayev ayaa soo jeediyay inay kooxdiisu wajihi doonto tartan loogu jiro saxiixa weeraryahanka Leicester City Ahmed Musa.
Ka dib markii uu ku guuldareystay inuu saameyn ku yeesho Leicester City, ayaa amaah waxa uu ugu soo biiray Musa kooxda CSKA Moscow intii lagu jiray suuqa kala iibsiga Janaayo, xiddiga reer Nigeria ayaa dhaliyay 7 gool 16 kulan oo uu saftay.
Babayev ayaa qiray in CSKA ay dooneyso in ay la saxiixato Musa heshiis joogta ah, lakiin waxa uu sheegayaa in kooxda reer Russia aysan aheyn kooxda kaliya ee ku lug leh weeraryahankan saxiixiisa.


Madaxa kooxda CSKA ayaa u sheegay Championat: "Waan jeclaan lahaa isaga inuu nala joogo, laakiin hadii Leicester uu ka heysto dalab lacageed oo faa'iido badan leh oo aan gacanta ku heyno, markaas waa ay adag tahay.
"Sida xaqiiqda ah, waxay doonayaan inay iibiyaan ciyaaryahanka, islamarkaana aan dib u amaahin."
Wolverhampton Wanderers ayaa lala xiriirinayay Musa, kaasoo dhaliyay labo gool 21 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay Leicester.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip