Rasmi: Pep Guardiola oo ku guuleystay Tababaraha ugu Fiican Horyalka Ingiriiska.

0
Wednesday May 16, 2018 - 10:43:02 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rasmi: Pep Guardiola oo ku guuleystay Tababaraha ugu Fiican Horyalka Ingiriiska.

    Arbaco-England

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-England



Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa loo magacaabay Maamuaha guud ee horyaalka Ingiriiska sannadkii lasoo dhaafay.


Guardiola ayaa City ku hogaamiyay horyaalka Premier League isagoo rikoor 100 dhibcood leh, isagoo dhaliyey 106 gool isla markaana wuxuu lumiyay keliya 14 dhibcood xilli ciyaareedkii oo dhan.


Hase yeeshee, kooxdiisa ayaa sidoo kale ku guuleysatay League Cup, ka dib markii ay 3-0 ku garaacday Arsenal ciyaar ka dhacday garoonka Wembley.



Tababarihii hore ee Barcelona iyo Bayern Munich Guardiola ayaa tartan kala kulmay shan macalin oo kale oo abaalmarintaan doonayay.


Jurgen Klopp, Macalinka Burnley Sean Dyche, Tababaraha Wolves Nuno Espirito Santos, Tababaraha Cardiff Neil Warnock iyo Accrington Stanley maamulaheeda John Coleman ayaa sidoo kale ku jiray Liiska u tartamayay.


Warnock ayaa la siiyay abaalmarin gaar ah ka dib markii uu ku guuleystay koobkii 8aad ee mustaqbalkiisa ciyaareed.


Guardiola ayaa loo magacaabay macalinka ugu wanaagsan Premier League, Nuno ayaa loo magacaabay macalinkii ugu wanaagsanaa Championship, Shrewsbury Tababaraheeda Paul Hurst waxuu ku guuleystay Abaalmarintii League One iyo Tababare Coleman oo loo doortay Macalinkii League Two.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip