Xog: Tababaraha Cusub ee Arsenal oo Lasii Ogaaday iyo Ciyaartoyda kooxda oo Magaciisa Loo sheegay!!

0
Wednesday May 16, 2018 - 10:58:54 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 427
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Tababaraha Cusub ee Arsenal oo Lasii Ogaaday iyo Ciyaartoyda kooxda oo Magaciisa Loo sheegay!!

    Arbaco-Arsenal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-Arsenal



Kooxda Arsenal ayaa ku dhow in ay soo magacowdaan Tababaraha cusub ee kooxda Maamuli doona, Badelna u noqon doona Arsene Werger oo kooxda isaga tagay.


Mikel Arteta ayaa qarka u saaran in loo magacaabo tababaraha cusub ee kooxda Arsenal iyada oo haatanba xiddigaha kooxda loo sheegay in uu tababare u noqon doono kooxda.


 

Arsene Wenger ayaa isaga tagay kooxda Arsenal kadib 22 sano oo uu kooxda hayaay waxana ay kooxdu hatanba bilowday raadinta tababarihii badali lahaa tababaraha reer France.



Inkasta oo ay Arsenal bartilmaameedsatay dhawr tababare oo khibrad leh oo ay ka mid yihiin Max Allegri iyo Tababarihii hore ee Barcelona ee Luis Enrique Hadana Arteta ayaa ah tababaraha ugu cad-cad.



Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Maamulka Arsenal xiddigaha Kooxda ku war galiyeen in 90% uu tababaraha badali doona Arsenal yahay Arteta.


Halyeeyga reer Arsenal ayaa ah dookha 1-aad ee Ivan Gadzidis,Josh Kroenke oo ah wiilka sheerka ugu badan ku leh kooxda Arsenal kuwaas oo haatan isku diyaarinaya in ay ku dhawaaqaan tababaraha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip