Warbixin: Xog walba oo aad dooneysid in aad ka ogaato Liverpool v Real Madrid, Ka hor Final-ka Champions League...

0
Friday May 25, 2018 - 17:26:22 in Wararka by
  • Visits: 344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Xog walba oo aad dooneysid in aad ka ogaato Liverpool v Real Madrid, Ka hor Final-ka Champions League...

    Jimco-Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimco-Yurub


Adduunka oo dhan ayaa daawan doona kulanka Finalka champions League ee Sabtida kaas oo ay wada ciyaari doonaan kooxaha Liverpool iyo Real Madrid.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 50 xog oo aad uga baahantahay in aad ka ogaato finalka champions League.

1. 70 gool ayay dhaliyeen labada kooxood ee Finalka isugu yimid tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

ilaa haatan Real Madrid ayaa dhalisay 30 gool halka Liverpool dhalisay 40 gool.

Los Blancos ayaa cel-celis ahaan dhalisay 2.5 gool kulan kasta halka Reds ay dhalisay 3.33 goo kulan kasta.

2. Labada kooxood ayaa kulamy 5 jeer tartantamada yurub:

Real Madrid ayaa badisay 2 kulan Halka ay Liverpool badisay 3 kulan.

3. Waxa ka soo wareegtay 13,513 maalmood tan ilaa markii ay labada kooxood isugu yimaadeen Finalka

Maalintaas ayaa ahayd 27 bishii May sanadkii 1981 markaas oo ay Liverpool kulankaas badisay.

4. Finalkii 1981 aya ah midka kaliya ee ay kooxda England ah ka badisay koox Spain ah Final yurub ah

Kulamada kale ayaa ah kulankii ay Barcelona 2/1 uga badisay Arsenal sanadkii 2006, kulankii ay Barcelona 2/0 uga badisay man United 2006 iyo kulankii ay Barcelona 3/1 uga badisay Man United sanadkii 2011.

5.Markii 9-aad kulan finalka yurub ah ayaa isku soo celiyay:

Waxa ay noqon doontaa markii 4-aad ee ay Real Madrid ku lug lahaato waxana ay badiyeen 3 ka mid ah.

6.Kulanka ayaa ah Finalkii 31-aad ee Real Madrid ee Tartamada UEFA.

Waxa la ciyaaray 15 kulan oo European Cup iyo Champions League, laba UEFA Cup 2 UEFA Cup Winners, 6 European super cup iyo 5 club world cup.

7.Kulankan ayaa noqon doona Finalkii 20-aad ee Tartamamada yurub:

Waxa ay horay ugu guulaysteen 5 ka mid ah final-dii ay soo ciyaareen.

8.14 Xiddig Oo Real Madrid ayaa ciyaaray Finalka champions League.

Ma Jirto xiddig Liverpool ah oo ciyaaray Final champions League.

9.Real Madrid ayaa dhalisay 29 kulan oo champions League oo xiriir ah.

Markii ugu dambaysay ee ay fashilmaan ayaa ahayd lugtii 1-aad ee Man city ee semi-finalkii 2015/2016.

10.Rikoorka Jurgen Klopp Ee Real Madrid ayaa ah 3 guulood hal Bar-Baro iyo laba guuldaro.

Kooxaha Man city iyo Real Madrid ayaa ah kooxaha uu Klopp kulamada ugu badan ka badiyay champions League isaga oo tababare ah.

11.Mohamed salah ayaa wajahay Real Madrid laba jeer oo hore laakiin wali waxba kamuu dhalin

Labada kulanba waxa guusha gaartay Los Blancos.

12.Ma Jiro Xiddig Egypt ah oo waligii ka dhaliyay Real Madrid.

Salah ayaa isha ku haya in uu noqdo midkii ugu horeeyay.

13.Cristiano Ronaldo ayaa Liverpool wajahay 11 jeer tartamada oo dhan.

Waxa uu ka dhaliyay 3 gool ilaa haatan.

14.Zinedine Zidane ayaan waligii wajihin Liverpool Isaga oo ciyaaryahan ah.

Waxa ay noqon doontaa markii ugu horaysay isaga oo tababare ah sidoo kale.

15.Real Madrid ayaa ku ciyaartay Kiev 4 jeer.

Kulamada oo dhan ayaa ahaa qaar ay la ciyaartay Dynamo Kiev rikoorkooduna waa hal guul, hal guuldaro iyo laba bar-baro.

16.Garsoore Mazic ayaa Dhex-dhexaadiyay kulan Real Madrid ah 2 jeer.

Rikoorkooda ayaa ah hal guul iyo hal bar-baro halka uuna waligii dhex-dhexaadin kulan Liverpool ah.

17.Ku dhawaad 700 oo xiddig ayaa ka qayb qaatay.

Isku dar ahaan 694 xiddig ayaa ugu yaraan ciyaara hal daqiiqo tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

18.Cristiano Ronaldo iyo Goolhayaha Liverpool ee Loris Karis ayaa ciyaaray 1,080 daqiiqo.

Waxa ay ciyaareen daqiiqad kasta oo tartanka xilli ciyaareedkan ah.

19.Liverpool ayaa Isticmaashay 24 xiddig tartanka xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale ee kooxda Real Zidane ayaa isticmaalay 23 xiddig.

20.Ku dhawaad 400 ayaa laga dhaliyay 124-kii kula ee champions League.

Isku dar ahaan 297 gool ayaa laga dhaliyay tartanka champions League xilli ciyaareedkan iyada oo aan lagu darin wareegyadii is reeb-reebka.

21.Roberto Firmino ayaa ka qayb qaatay 18 ka mid ah goolasha 40-ka ah ee ay Liverpool dhalisay tartanka.

Waxa uu dhaliyay 10 gool sidoo kale caawiye ka noqday 8 kale.

22.Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan tartanka sanadkan 15 gool ayuu dhaliyay.

Xiddiga reer Portugal ayaa haysta rikoorka xiddiga ugu goolasha badan xilli ciyaareed kaliya isaga oo dhaliyay 17 gool sanadkii 2013/2014.

23.James Milner ayaa dhiibay 9 caawin champions League.

Waa xiddiga ugu caawinta badan saaxiibadiisa Liverpool dhexdooda.

24.Firmino ayaa mar walba ah xiddiga ugu orodka badan.

Kulamada champions League ee uu ciyaaray Firmino ayaa orday is ku gayn ahaan 119,227 kiiloo mitir.

25.Liverpool ayaa tartanka bilaabatay tan ilaa bilowgii.

Markan ayaa ah markii 3-aad ee ay Liverpool gaarto Finalka champions League kadib markii ay soo ciyaartay is reeb-reebka tartanka.

26.Kaliya 4 tababare oo Germany ah ayaa ku guulaystay tartanka champion League.

Udo Lattek, Dettmar Cramer, Ottmar Hitzfeld & Jupp Heynckes ayaa ku guulaystay tartanka iyaga oo ku guulaystay 7 koob isku darkooda.

27.Gareth Bale ayaa wajahay Liverpool 10 jeer waxana uu ka dhaliyay hal gool.

8 kulan waxa ay ahaayeen Premier League hal kulan waxa uu ahaa champions League kulanka kalena waxa uu ahaa League cup-ka.

28.Karim Benzema ayaa ah xiddiga 5-aad ee ugu goolasha badan taariikhda champions League.

Waxa uu dhaliyay 55 gool waxana uu u baahan yahay hal gool si uu ula bar-bareeyo Ruud van Nistelrooy.

29.Loris Karius way adagtahay in laga badiyo:

Goolhayaha ayaa shabaqiisa ilaashaday 12 kulan oo uu ciyaaray tartanka champions League.

30.Cristiano Ronaldo ayaa gool dhaliyay 3 Final oo kala duwan champions League.

Waa xiddiga kaliya ee sidaas sameeya.

31.Gareth Bale ayaa guul gaaray 9 Final oo uu ciyaaray Real Madrid.

Wali final guuldaro lamuu kulmin.

32.Liverpool ayaa 89 laad ku laagtay goolka champions League halka Real ku laagtay 84 laad.

Reds ayaa ah kooxda ugu badan tartanka xilli ciyaareedkan.

33.Sergio Ramos ayaa ah xiddiga 5-aad ee daafaca ah ee ugu goolasha badan taariikhda champions League.

Kabtanka Real Madrid ayaa dhaliyay 11 gool.

Roberto Carlos ayaa haysta rikoorka ugu badan isaga oo dhaliyay 16 laakiin Ramos ayaa ah daafaca kaliya ee gool dhaliyay laba final.

34.Benzema ayaa dhaliyay 3 gool 2-dii kulan ee uu la ciyaaray Liverpool.

Labada kulanba Real ayaa badisay.

35.Liverpool ayaa 5 gool ka dhalisay Koorne tartanka xilli ciyaareedkan.

Tan ayaan ka dhigaysa kooxaha ugu khatarsan ee arintaas.

36.Kulankan ayaa noqon doona Finalkii 3-aad Ee Yurub ee uu gaaro Jurgen Klopp.

Tababaraha reer Germany ayaa laga badiyay labadii hore.

Kulankii Hore Finalka champions League waxa uu guuldaro 2/1 ah kala kulmay Bayern Munich iyo midkii ugu dambeeyay oo ah Europe League ay guuldaro 3/1 ah kala kulmeen Sevilla.

37.Real Madrid ayaa laga badiyay 8 kulan sidoo kale badisay 13 kale kooxaha reer England ee ay la ciyaarto tartanka.

Kulanka kaliya ee lagu ciyaaray Garoon caadi ah ayay la ciyaartay Liverpool waana laga badiyay.

38.Waxa ka soo wareegtay 20 sano markii ay koox gaartay 3 final oo xiriir ah tartanka.

kooxdii ugu dambaysay ee samaysa ayaa ahayd Juventus markaas oo uu Zidane u ciyaarayay.

39.Waxa laga dhaliyay 172 gool finalka champions League.

Real Madrid ayaa tirsanaysa 39 gool halka Liverpool-na waxa leedahay 9 gool.

40.Cristiano Ronaldo ayaa ah boqorka rikoorada tartanka.

xilli uu dhaliyay 15 gool Ronaldo ayaa dhaliyay rikoorada ugu badan xiddig kasta oo ka qayb qaatay taariikhda tartanka.

41.Zidane Mar walba wuu badiyaa Final-ka.

Tan ilaa markii uu tababare u noqday Real Madrid Zidane ayaa badiyay dhamaan 7-ii final ee uu ciyaaray.

42.Liverpool iyo Chelsea ayaa ah kooxaha ugu bada ee dhaliyay goolasha laadka xoogan.

Xilli ay koox kasta dhalisay 6 Liverpool iyo Chesea ayaa ah kooxaha ugu badan ee goolasha meesha fog laga dhaliyo dhaliyay.

43.Real Madrid ayaa ah kooxaha ugu badan ee Offside-ka gashay.

Los Blancos ayaa 44 jeer lagu qabtay Offside-ka halka Liverpool kaliya lagu qabtay 27 jeer.

44.Liverpool ayaa horay looga dhaliyay gool wakhti hore ah Finalka tartanka.

goolkii uu ka dhaliyay Paolo Maldinho kaliya 51 il biriqsi ayaa ah midkii ugu deg-dega badnaa ee laga dhaliyay final champions League ah.

45.Ma Jirto cid xasuusata 1981.

Ma jiro xidig ka qayb qaadan doona Finalka sanadkan tartanka oo dhashay markii ay labada kooxood wada kulmeen finalkii 1981.

46.Zidane ayaa bar-barayn Kara Bob Paisley

Halyeeyga Liverpool ee Bob Paisley ayaa ku guulaystay 3 European Cup isaga oo tababare u ah Liverpool waxana uu Zidane bar-barayn karaa hadii uu ku guulaysto Kiev.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip