Hogaamiyaha kooxda Liverpool Mohamed Salah oo rajo fiican ka muujiyey inuu ciyaaro doono koobka dunida

0
Tuesday May 29, 2018 - 11:36:04 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaha kooxda Liverpool Mohamed Salah oo rajo fiican ka muujiyey inuu ciyaaro doono koobka dunida

    Talaado- Liverpool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado- Liverpool



Mohamed Salah oo 25 jira ayaa shaki weyn la geliyey rajadiisa koobka dunida kadib markii uu dhawaan ku dhaawacmay kulankii fiinaalka Champions League.


Ciyaaryahan Mo Salah ayaa dhaawac dhanka garabka ah kala kulmay kabtanka Real Sergio Ramos kaas oo ay kubad kuwada dagaalameen.


Dhaawacaas ayaa sababay in laacibka reer Masar oo ilmeynaya garoonka laga saaro daqiiqadii 31-aad waxaana lagu badalay Adam Lallana.



Hadaba iyadoo ay soo baxeen hadal heyn ku aadan in Salah uu seegi doono koobka dunida ayaa arintan waxaa markii ugu horeysay ka hadlay hogaamiyaha reer Masar.


"Waxey ii aheyd habeen adag, laakiin waxaan ahay mid dagaalama, waxaan kalsooni ku qabaa inaan u safri doono Russia si aan dhamaantiin idinkaga farxiyo.


Jaceylkiina iyo garab istaagiina waxey i siineysaa awood aan u baahanahayā€¯ ayuu bogiisa Twitterka kusoo qoray ciyaaryahan Mohamed Salah oo aaminsan inuu ciyaari doono koobka dunida.


Dhaqaatiirta xulka Masar iyo kuwa kooxda Liverpool ayaa hada la tacaalaya xaalada caafimaad ee Mohamed Salah kaas oo la rajeynayo inuu seddex isbuuc garoomada ka maqnaado.


Madaxweynaha dalka Masar Abdul Fattah al-Sisi oo fariin soo dhigay boggiisa Twitterka ayaa Salah u rajeeyay caafimaad taam ah iyo inuu ciyaaro koobka dunida oo Russia ka furmi doona 14 bisha June.


W/D: Xabiib Axmed Cali

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip