WARBIXIN: Waa kuwee 10-ka Gooldhaliye ee ugu Sareeysa Qaaradda Yurub? (+SAWIRO)

0
Saturday June 02, 2018 - 13:46:47 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Waa kuwee 10-ka Gooldhaliye ee ugu Sareeysa Qaaradda Yurub? (+SAWIRO)

    Sabti-Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti-Yurub


Lionel Messi ayaa mar kale xilli ciyaareedkan ku dhameystay isagoo ah gooldhaliyaha ugu sareeya 5-ta horyaal ee ugu sareysa yurub, lakiin yaa ka mid ah 10ka Xiddig ee ugu sareeya?

Hoos Kaga Bogo 10-ka Gooldhaliye ee Ugu Sareeysa Qaaradda Yurub:

 

10. Sergio Aguero (Manchester City)

 30 gool 39 kulan. Xiddiga reer Argentine ayaa dhaawacyo soo wajahday xilli ciyaareedkan, lakiin taasi ma joojineynin inuu gaaro 30 gool oo markiisii 4aad ee xirfadiisa ciyaareed.



 

9. Pierre-Emerick Aubameyang (Borussia Dortmund iyo Arsenal)

 31 gool 38 kulan. Inkastoo uu isbedel ku sameeyay kooxaha bishii Janaayo, hadana waxa uu u ciyaaray kooxda Arsenal kulamo kooban mana joojin goolasha.


 

8. Luis Suarez (FC Barcelona)

 31 gool 51 kulan. Ka dib markii dhaawac jilibka ah uu soo gaaray xilli ciyaareedkii hore, ciyaaryahanka reer Uruguay ayaa ka soo kabsaday qaab ciyaareedkiisa gooldhalinta horyaalka, inkastoo uu ku guul darreystay inuu goolal badan ka dhaliyo Champions League.


7. Edinson Cavani (PSG)

 40 gool 48 kulan oo uu ciyaaray. Xilli ciyaareed kale oo fiican wuxuu ka mid yahay ciyaartoydii ugu fiicnaa ee PSG sannadihii u danbeeyay.


6. Harry Kane (Tottenham Hotspur)

 41 gool ayuu dhaliyay 48 kulan. Gooldhaliyaha Ingriiska ayaa sanadkii hore garaacay Messi iyo Ronaldo isagoo dhaliyay goolasha ugu badan ee 2017, waxaana uu sii waday inuu shabaqa soo taabto xilli ciyaareedka, inkastoo aysan ku filneyn kaalnta seddexaad ee Premier League.


 

5. Robert Lewandowski (Bayern Munich)

 41 gool ayuu dhaliyay 48 kulan. Pole ayaa sii waday inuu muujiyo sababta uu uga mid yahay weeraryahanada ugu dhaliska badan ee Yurub.


 

4. Ciro Immobile (Lazio)

 41 gool ayuu dhaliyay 47 kulan. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa xilli ciyaareedkii dhamaaday isagoo noqday ciyaaryahanka ugu goolasha badan Serie A, halka uu sidoo kale ka dhex muuqday Europa League, inkastoo uu xilli ciyaareedkii niyad jab ku noqday kooxdiisa.


 

3. Maxamed Salah (Liverpool)

 44 gool 44 kulan. Xiddiga Masar ayaa Dunida dhan ka yaabiyay Sanadkiisii ugu horeeyay ee Liverpool isagoo Jabiyay Rikooro badan oo kooxda u yaalay, Sidoo kale waxuu wacdaro ka dhigay Tartamada Yurub.


 

2. Cristiano Ronaldo (Real Madrid)

 44 gool 44 kulan. Qeybtii hore ee xilli ciyaareedka ayuu u muuqaday mid seexday, isagoo Bilowgii sanadkan uu la yimid gooldhaliskiisii lagu yaqaanay, 15 gool oo Champions League ah ayaa muhiim u ahaa inuu kooxdiisa ka caawiyo inay ku guuleystaan ​​horyaalkoodii seddexaad ee Europe.


 

1. Lionel Messi (Barcelona)

 45 gool 54 kulan. Messi ayaa ku guuleystay abaalmarin kale oo Golden Boot ka dib xilli ciyaareed kale oo horyaalka La Liga ah. Ciyaartoydiisa Barca waxa ay ku guuleysteen horyaalka iyo Koobka Boqorka dalkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip