
Kanu oo $11,000 oo doolar looga xaday dalka Ruushka
Isniin- Moscow
Booliska dalka Ruushkaayaa sheegay in laacibkii hore ee dalka Nigeria Nwankwo Kanu agabki uu watay lagla bay lacag $11,000 oo doolar xilli uu u safrayay ka qayb galka koobka adduunka.
Wakaalada wararka dowladda Ruushka Tass aya warisay in Kanu oo kazoo safray magaalada London uu Moscow uga soo socdaalayay Kaliningrad oo ah magaalada ay dalkiisa Nigeria ku ciyaari doonaan kulankood koowaad ee koobka adduunka 16-ka bishan.
Markii uu yimid yuu ka warhelay lacagta oo kasha ahayd ay ka maqan tahay boorsadii ay agabka ugu jireen.
Haweeneey afhayeenka Booliska ah oo lagu magacaabo Irina Volk ayaa sheegtay in agabka uu watay Kanuhakad la geliyay sababo tuhun fal tuuganimo ah.
.
Kanu oo $11,000 oo doolar looga xaday dalka Ruushka
Isniin- Moscow