Mohamed Salah oo lagu daray 23ka Ciyaaryahan ee Egypt u Matalaya Koobka Adduunka.

0
Monday June 04, 2018 - 15:54:39 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mohamed Salah oo lagu daray 23ka Ciyaaryahan ee Egypt u Matalaya Koobka Adduunka.

    Isniin-Africa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin-Africa


Maamulaha xulka Qaranka Masar ayaa soo saaray liiska kama dambeysta ah ee uu la tagi doono Dalka Ruushka, waxaana si lama filaan ah loogu dhex arkay Mohamed Salah.

Xiddiga Liverpool ayaa xulkiisa ula safri doona Russia xilli uu wali ku jiro ka soo kabsashada dhaawacii garabka ahaa ee uu soo gaarsiiyay Sergio Ramos.

Salah ayuu dhaawac soo gaaray daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta taas oo ku qasabtay in uu ka boxo kulanka kadib markii uu sii wadan kari waayay kulanka.

Laakiin Salah ayaa ka soo muuqday liiska kama dambaysta ah inkasta oo la filayo in uu seego kulanka ugu horeeya ee xulkiisu la ciyaari doono Uruguay 15 bisha June.

Salah ayaa ku rajo weyn in uu taam u noqdo kulanka ay la ciyaari doonaan xulka marti galiyay koobka ee Russia iyo kulanka ugu dambeeya wareega Group-yada ee ay la ciyaari doonaan Saudi Arabia June 25.

SAWIRKA HOOSE KAGA BOGO LIISKA OO DHAMEEYSTIRAN:





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip