Maareeyaha Dekedda muqdisho oo Booqday ciyaartoyda kooxda Dekedda oo u diyaar garoobaya tartanka Kooxaha Bariga & Bartmaha Africa+Sawirro

0
Monday June 04, 2018 - 16:27:46 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedda muqdisho oo Booqday ciyaartoyda kooxda Dekedda oo u diyaar garoobaya tartanka Kooxaha Bariga & Bartmaha Africa+Sawirro

    isniin- Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

isniin- Muqdisho

Kooxda kubadda cagta ee Dekedda oo mudooyinkan tababar ku sameeneysay garoonka Jaamacadaha ee Degmada Hodan ayaa waxaa maanta Kormeeray Maareeyaaha Dekedda muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud (Washington) iyo ku xigeenkiisa si ay u dhiirigeliyaan ciyaartoyda oo u diyaar garoobaya ka qeyb galka tartanka Kooxaha Bariga & Bartmaha Africa.


Maareeyaha Dekedda muqdisho ayaa u kuurgalay qaabka uu tababarka u socdo waxaana garoonka kusoo dhaweeyay tababraha kooxda Dekedda Yuusuf Cali Nuur ( Yuu Cali ) kaas oo u sharxay qaabka ay u diyaar garoobayaan.



Guddomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo isna goobta ka hadlay ayaa amaanay doorka muuqda ee maamulka Dekedda muqdisho ay ka qaadanayaan horumarinta kooxda kubadda cagta Dekedda oo dhawaan loo caleemo saaray horyaalka Somali Premier League.


Maareeyaha Dekedda Muqdisho ayaa ugu dambeyn hadalo dhiirigelin u badnaa u jeediyey ciyaartoyda iyo macalimiinta kooxda Dekedda oo u diyaar garoobaya tartanka Cecafa oo 30-ka bishan Ka furmi doona dalka Tanzania.


Maareeyaha Dekedda Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud (Washington) ayaa ugu dambeyn maamulka kooxda kubadda cagta ee Dekeda ku wareejiyey Afar neef oo ari ah oo loogu talo galay ciyaartoyda oo ku xareysan gudaha garoonka Jaamacadaha halkaas oo ay ka wadaan diyaar garowga ay ugu jiraan tartanka Kooxaha Bariga & Bartmaha Africa.


W/D: Xabiib Axmed Cali

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip