Yaa ka mid ah Ciyaartoyda ay doonayaan Dhammaan kooxaha ugu waaweyn, Spain, England, Italy, France iyo Germany?

0
Saturday June 09, 2018 - 09:06:08 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 1800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa ka mid ah Ciyaartoyda ay doonayaan Dhammaan kooxaha ugu waaweyn, Spain, England, Italy, France iyo Germany?

    Sabti--Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti--Yurub


Suuqa kala Iibsiga ayaa durbadiiba waxaa ka billowday Qaadashada Ciyaartoyda. Sanadkan, waxaase sanadkan ugu saameyn Badan horyaallada Premier League iyo Serie A oo durbadiiba Heshiisyadu ay sii billowdeen, suuqa oo xirmi doona ugu dambeyn Dabayaaqada August.

Haddaba Kooxaha ugu waaweyn ayaa sameynaya saxiixyo badan, Rikoorro badan ayaa la jebin doonaa inta lagu jiro Suuqa hadda socda.

Koox kasta iyo Ciyaartoyda ay dooneyso ma Ogtahay?



Kooxda heysata Horyaalka Yurub waxaa ay raadineysaa Beddelka Zidane. Neymar (PSG), Gimenez (Atletico), Alisson (Roma), Odriozola (Real Sociedad), Mariano (Lyon) iyo Eriksen (Tottenham) dhammaan waa ciyaartoyda diiwaanka ugu jira kooxda Los Blancos.

Neymar (PSG)

Gimenez (Atletico)

Alisson (Roma)

Odriozola (Real Sociedad)

Mariano (Lyon)

Eriksen (Tottenham)


Barcelona ma joojin doonto damaca Suuqa tan iyo inta ay ka sameyso ugu yaraan 2 Saxiix. Boosaska ay iska dhiseyso waxaa ka mid ah weerarka Griezmann (Atletico), Difaaca Lenglet (Sevilla) iyo Dhexda, Arthur (Gremio).

Griezmann (Atletico)

Lenglet (Sevilla)

Arthur (Gremio)


Naadiga Rojiblancos ayaa durba Sameysay Saxiixa Rodri oo ka yimid (Villarreal) si ay isaga adkeyso Khadka dhexe. Waxaa soo raaci doona Jonny (Celta) iyo Sarabia (Sevilla). Sida uu wariyay L'Equipe, Sidibe oo ka tirsan (Monaco) waa laacib kale oo ay dooneyso.

Jonny (Celta)

Sarabia (Sevilla)

Sidibe (Mónaco)


Dhammaadka Xagaagan Guardiola ayaa aaminsan in kooxdiisu ay u baahantahay dhowr ciyaartoy." Waxaa ah midka ugu mudan Mahrez (Leicester) kaasoo dhammeystiran kusii dhow Lemar (Monaco) iyo Jorginho (Napoli) ayaana safka dhammeystiraya.

Mahrez (Leicester)

Lemar (Monaco)

Jorginho (Napoli)


Mourinho si xowli ah ayuu u dhaqaaqayaa qorshihiisa suuqa. Durba inta lagu jiro bisha June wuxuu sameeyay 2 saxiix. Fred (Shakhtar Donetsk) iyo Diego Dalot (Porto) 80 milyan oo Yuuro ayuuna bixiyay. Weli waxaa jira xiddigo qaali ah Gareth Bale (Real Madrid). Oo la raaciyay Lewandowski (Bayern) iyo difaac adke Lenglet (Sevilla).

Garteh Bale (Real Madrid)

Lewandowski (Bayern)

Lenglet (Sevilla)


Laurent Blanc ayaa wuxuu ka mid yahay diiwaanka kooxdan wuxuuna beddeli doonaa tababare Conte. Wuxuuna ka fakari doonaa Mustaqbalka ciyaartoyda Courtois, Morata iyo Hazard oo dhammaan heshiisyadoodu aysan caddeyn. Lewandowski, oo doonaya inuu ka tago Munich, Allison (Roma) iyo Seri (Nice) ayaana ah kuwa uu keeni doono.

Lewandowski (Bayern)

Allison (Roma)

Seri (Nice)


Keddib Khasaarihii ugu dambeeyay ee Final-ka Champions League waxayna horayba u bixisay lacag dhan 110 milyan oo Yuuro. Keita (Leipzig) iyo Fabinho (Monaco) oo ku biiray Liverpool, balse Klopp wuxuu doonayaa oo kale Fekir (Lyon), Talisca (Besiktas) iyo goolhaye Cillessen (Barcelona)

Fekir (Lyon)

Talisca (Besiktas)

Cillessen (Barcelona)


Kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ayaa dooneysa in ay hanato Champions League. Buffon ayaana Maca-salaama diraya, waana taas sababta ay u doorteen Goolhaye Mattia Perin (Genoa). Emre Can (Liverpool), Morata (Chelsea) iyo Sergej Milinkovic-Savic (Lazio) ayaa lagu soo dari karaa safka kooxda 'vecchia signora.'

Mattia Perin (Genoa)

Emre Can (Liverpool)

Morata (Chelsea)

Sergej Milinkovic-Savic (Lazio)


Iyadoo ay ku adagtahay in ay ilaashato Neymar kaasoo sheegay in Mustaqbalkiisa kooxda PSG uusan caddeyn. Hadda waxay doonayaan Buffon (Juventus). Casemiro (Real Madrid) oo lagu daray German-ka wiilkooda, Julian Weigl (Dortmund).

Buffon (Juventus)

Casemiro (Real Madrid)

Julian Weigl (Dortmund)


Keddib Khasaarihii xoogganaa ee ay kala kulantay Real Madrid waxay billaabeen dadaal badan. Waxaa tegi kara xiddigo ay ka mid yihiin (Robben, Ribery, Muller ...) waxaana loo baahanyahay dhiig cusub. Xiddigaha dalban waxaa ka mid ah Higuain (Juventus) oo beddelaya Lewandowski, Reus (Dortmund) oo isbeddel laga sugayo iyo Lucas Digne (Barcelona) si uu beddel ugu noqdo Bernat.

Higuain (Juventus)

Reus (Dortmund)

Digne (Barcelona)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip