Ronaldo, Pope, Shaqiri, Ronaldo, Neymar, Griezmann & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala iibsiga Ciyaartoyda.

0
Sunday June 10, 2018 - 13:28:05 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ronaldo, Pope, Shaqiri, Ronaldo, Neymar, Griezmann & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala iibsiga Ciyaartoyda.

    Axad-Suuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-Suuqa


Waxa furmay suuqa kala iibsiga xagaaga waxana ay koox walba haatan suuqa u gali kartaa sidii ay u xoojin lahayd kooxdeeda si ay isugu diyaariyaan xilli ciyaareedka dambe.

 

Waxa jira kooxo haatanba la soo saxiixday xiddigihii ugu horeeyay sidoo kale wali ugu jira suuqa xiddigo kale si la mid ah waxa jira kooxo wali si fiican ugu jira suuqa raadinayana in ay helaan xiddigo munaasib ah.

 

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ay wargaysyada kala duwan ka qoreen.

 

Xiddiga khadka dhexe ee Jack Wilshere ayaa wadahadalo xasaasi ah la qaadan doona tababaraha cusub ee kooxda Arsenal ee Unai Emery maanta oo Axada Ah (Sun on Sunday).

 

Liverpool ayaa u dhaw in ay dalab 15 milyan oo euro ah ka gudbiso goolhayaha Xulka qaranka England iyo kooxda Burnley ee Nick Pope (Sun on Sunday).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Leiceter city ee Riyad Mahrez ayaa ku dhaw in uu 75 milyan oo euro ugu wareego kooxda Man City xilli uu wakiilkiisu gaaray Manchester si uu u dhamaystiro heshiiska (Sun on Sunday).

 

 

 

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Ander Herrera ayaa iska diidi doona Fursad uu ugu laaban karo kooxdiisii hore ee Atletico Bilbao (Mail on Sunday).

 

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa Bayern Munich ku war galiyay in uu doonayo in uu ku laabto premier League hadii uu ka tago Real Madrid (Sunday Mirror).

 

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa in ay 307 milyan ka bixiso saxiixa xiddiga reer Brazil ee Neymar inta lagu guda jiro suuqa xagaaga (Daily Mail).

 

Kooxda Real Madrid ayaa xiddigeeda Cristiano Ronaldo miiska u saartay heshiis uu sanadkii ku qaadan doono 28.5 milyan euro laakiin xiddiga reer Portugal ayaa iska diiday dalabkaas (Sunday Express).

 

Tababaraha xulka qaranka Brazil ayaa si adag uga hadlay wararka sheegaya in uu ku biiri doono kooxda Real Madrid (Sunday Express).

 

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Stoke City iyo xulka Switzerland ee Xherdan Shaqiri oo 26 jir ah ayaan meesha ka saarin in uu u dhaqaaqi doono kooxda Liverpool (Mertro).

 

Kooxda Arsenal ayaa go,aansatay in ay u dhaqaaqdo saxiixa 22 jirka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Sampdoria iyo xulka qaranka Uruguay ee Lucas Torreira (Star On Sunday).

 

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid iyo xulka Qaranka France ee Antoine Griezmann ayaa go,aan Rasmi ah ka gaaraya Mustaqbalkiisa maalmaha yar ee Soo socda(beINSPORTS).

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip