Inter Milan Oo laso saxiixatay xidig ka ciyaara Horyaalka Taliyaaniga.

0
Monday June 11, 2018 - 13:37:46 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 139
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inter Milan Oo laso saxiixatay xidig ka ciyaara Horyaalka Taliyaaniga.

    Isniin-Suuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin-Suuqa


Wararka ka imaanaya Magaalada Milaano ayaa ku waramaya in ay kooxda Inter Milan dhigeeda Roma kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Radja Nainggolan kaas oo ay ka bixisay lacag dhan 29 milyan oo euro iyo waliba xiddiga Nicolò Zaniolo.

 

Tuttosport ayaa sheegaya in wadahadaladu haatan gaareen meel dhamaad ah si Rasmi ahna loo dhamaystiri doono heshiiska 1 bisha dambe ee July.

 

Inter Milan ayaa bixin doonta lacag dhan 29 milyan oo euro iyo waliba xiddiga Zaniolo kaas oo noqon doona 19 jir bisha dambe kana mid ah xiddigihii ugu fiicnaa da,yarka Inter ee ku guulaystay horyaalka Serie A-da da,yarka.

 

Xilli ciyaareedkan Zaniolo ayaa ku lug lahaa 14 gool dhaliyay 10 gool-na caawiye ka noqday 34 kulan oo tartamada oo dhan ah.

 

Nainggolan ayaa albaabka u furay in uu la midoobo tababarihiisii hore ee Roma ee Luciano Spalletti kaas oo Inter Milan u soo saaray champions League xilli ciyaareedka dambe.

 

Waxa la sheegayaa in uu xiddiga reer Belguim ogolaaday mushahar uu sanadkii ku qaadan doono 4.5 milyan euro inta uu joogo kooxda Inter.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip