Xulka Brazil oo noqday xulkii 14-aad ee iska xaadiriyey dalka Russia oo uu dhawaan ka furmi doono koobka dunida

0
Monday June 11, 2018 - 17:11:47 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Brazil oo noqday xulkii 14-aad ee iska xaadiriyey dalka Russia oo uu dhawaan ka furmi doono koobka dunida

    Axad- Russia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad- Russia



Xulka Brazil ayaa noqday xulkii 14-aad ee iska xaadiriyey dalka Russia oo uu dhawaan ka furmi doono koobka dunida.


Xulka Seleção lagu naaneyso ee Brazil ayaa saacado ka hor gaaray dalka Russia kadib markii ay kasoo ambobaxeyn magaalada Vienna ee caasimada dalka Austria halkaas oo ay kulan saaxiibtinimo ku ciyaareyn.


Xulka Brazil, ayaa markii ay ka dageengaroonka diyaaradaha ee magaalada Sochi waxaa si weyn usoo dhaweeyay tageerayaal aad u badan kuwaas oo watay calanka dalka Brazil.



 

Xidigaha xulka qaranka dalka Brazil ayaa hada degay hoteelka loogu talo galay ee ku yaala magaalo xeebeedka Sochi ee dalka Russia waxeyna tababarkooda ugu horeeya sameyn doonaan beri oo ay taariiqdu tahay 12 June .


 

Ilaa iyo 14 xul ayaa hada gaaray dalka Russia waxeyna kala yihiin Iran, Panama, Spain, Saudi Arabia, Tunisia, Portugal, Iceland,, Morocco,, Egypt, Peru, France , Argentina iyo Australia.


Xulka Brazil ayaa hada noqday xulkii 14-aad ee iska xaadiriyey dalka Russia kadib xulalka kala ah Iran, Panama, Spain,Saudi Arabia, Tunisia, Portugal, Iceland,, Morocco,,Egypt, Peru , France , Argentinaiyo Australia.


 

Xulka Jaalayaasha lagu naaneyso oo shan jeer ku guuleystay koobka dunida ayaa hada ku jira Group E waxeyna kulankooda ugu horeeya 17-ka bishan June la ciyaari doonaan xulka Switzerland.


 

Tartanka 21-aad ee dunida ayaa dalka Russia ka furmi doona 14 bishan June –waxaana lasoo gaba gabeyn doonaa 15 bisha soo socota ee July ee sanadkan.

W/D: Xabiib Axmed Cali 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip