Lionel Messi Oo Ka Hadlay katagistii Zidane ee Real Madrid, Muxuu ka yiri?

0
Tuesday June 12, 2018 - 09:16:05 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lionel Messi Oo Ka Hadlay katagistii Zidane ee Real Madrid, Muxuu ka yiri?

    Talaado-Barcelona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-Barcelona


Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa qirtay in uu la yaabay go,aankii uu tababare Zinedine Zidane kaga tagay kooxda Real Madrid.

 

Laakiin Weeraryahanka Barcelona ayaa sheegay in ay u fiicnayd tababaraha reer France in uu gartay wakhtigii ugu fiicnaa ee uu ka tagi lahaa kooxda.

 

Zidane ayaa ka tagay kooxda ku guulaystay champions League bishii hore 5 maalmood ka hor markii uu kooxda ku hogaamiyay champions League 3-aad oo xiriir ah.

Messi oo u ciyaara kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan Real Madrid ee Barcelona ayaa qirtay in uuna marka ka fikirin in uu is badalkaas dhacayo.

 

Isaga oo la hadlaya Sport ayuu yiri” waan la yaabay, Run ahaantii waan la yaabay, ma filayn, waxa aan u malaynayaa in ayna cidna filayn”.

 

"Waxa uu haystaa sababaha uu uga tagay, sidoo kale waxa uu gartay wakhti fiican oo la tago, ma garanayo sababta uu u tagay ayuu u sheegay Wargeyska Sports”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip