Leonardo Bonucci oo ka hadlay Mustaqbalkiisa Milan, Miyuu baxayaa?

0
Tuesday June 12, 2018 - 09:35:07 in Wararka by
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Leonardo Bonucci oo ka hadlay Mustaqbalkiisa Milan, Miyuu baxayaa?

    Talaado-Suuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-Suuqa


Kabtanka AC Milan Leonardo Bonucci ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu sii joogo kooxda inkastoo wararka xanta ah ay sheegayaan inuu ka tagayo kooxda.

 

Bonucci ayaa Milan ku hogaamiyay kaalinta lixaad ee horyaalka Serie A iyo Coppa Italia intii lagu jiray xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee kooxda, inkastoo warar dhawaan soo baxayay ay soo jeediyeen in Milan laga yaabo inay qasab ku noqoto inay 31 jirkaan u ka dhaqaaqdo ka dib markii ay ku guuldareysteen inay u soo baxaan Champions League.

 

"Ma jiro wax dhibaato ah," Bonucci ayaa u sheegay Sky Sport Italia mar la weydiiyay mustaqbalkiisa. "Waxaan rajeyneynaa in wararka xanta ah ay noqdaan warar been ah.

 

"Waxaan dooneynaa inaan dhisno koox muhim ah, waxaan hubnaa inaan dooneyno inaan dib ugu soo laabano Champions League, si aan dib ugu soo laabanno uguna tartanno bartilmaameed weyn."

 

AC Milan ayaa ku dhawaaqday Bonucci inay ka soo iibsadeen kooxda Talyaaniga ah ee Juventus waxeyna ku soo iibsaden aduun dhan 35 milyan oo ginni xagaagii 2017.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip