Xulka France Oo waayi doonta labo daafac oo muhiim ah, Sabab?

0
Tuesday June 12, 2018 - 14:05:42 in Wararka by
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka France Oo waayi doonta labo daafac oo muhiim ah, Sabab?

    Talaado-Aduunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-Aduunka


Tababarka xulka qaranka France ee isku diyaarinta koobka adduunka ee bilaabmi doona khamiista ayaa lag dhex waayay laba xiddig oo laf dhabar u ah xulka kuwaas oo tababarkii isniinta ku seegay dhaawacyo soo gaaray.

 

Xiddigaha daafaca ka ciyaara ee Samuel Umtiti iyo Djibril Sidibé ayaa laga dhex waayay tababarkii isniintii ee isku diyaarinta koobka adduunka kadib dhaawacyo soo gaaray.

 

Xulka France ayaa Axadii gaaray dalka Russia ka hor intii ayna isniintii shalay bilaabin tababarkooda isku diyaarinta koobka adduunka.

 

Sida laga soo xigtay wargayska L’Équipe, Samuel Umtiti iyo Djibril Sidibé ayaa seegay tababarkii ugu horeeyay ee xulka France taas oo ay sabab u tahay dhaawacyo ka soo gaaray jilibka.

 

Labada xiddig ayaa ku haray hudheelkii uu xulku ka daganaa Russia halka ay xiddigaha intooda kale si buuxda u tageen tababarka xulka.

Umtiti ayaa ka cabanaya dhibaato dhaawac jilibka ah oo soo gaaray kulamadii ugu dambeeyay ee kooxda Barcelona laakiin waxa uu ka qayb qaatay kulamadii saaxiibtinimooyinka ee France.

France ayaa jimcaha soo socda la ciyaari doonta xuulka qaranka Australia iyada oo uu shaki ku jiro in ay taam u noqon karaan kulankaas.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip