Gerard Pique Oo Dhaawac Soo gaaray, Imisuu maqnaanayaa?

0
Tuesday June 12, 2018 - 14:09:50 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gerard Pique Oo Dhaawac Soo gaaray, Imisuu maqnaanayaa?

    Talaado-Aduunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-Aduunka


Xulka qaranka Spain ayay masiibo ku habsatay 2 maalmood ka hor kulankooda adag ee ay la ciyaari doonaan xulka qaranka Portugal ee koobka adduunka Russi 2018.

 

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in daafaca xulka Spain ee Gerard Pique uu soo gaaray dhaawac intii uu ku guda jiray tababarkii uu xulku isugu diyaarinayay kulanka jimcaha.

 

Idaacada Cadena COPE ayaa sheegaysa in uu xiddigan dhaawac ka soo gaaray jilibka lugta bidix taas oo ku qasabtay in laga saaro tababarka xulka wakhti hore.

 

 

Xiddiga kooxda Barcelona ayaa maanta mari doona baaritaan si loo ogaada inta uu dhaawacu leegayah iyo in uu ciyaari karo kulanka ugu horeeya ee ay jimcaha la ciyaari doonaan xulka Portugal.

 

Spain ayaa jimcaha la ciyaari doonta xulka Portugal ka hor inta ayna la ciyaarin xulk Iran 20 bisha june inta ayna wareega Group-yada ku soo xiran kulanka Morocco.

Si kasta ha ahaatee wargayska Marca ayaa sheegaya in dhaawaca soo gaaray xiddigu in uuna ahayn mid laga wal-walo ka bixista tababarkuna uu ahaa in laga hor tago in uu dhaawacu sii weynaado.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip