Liverpool Oo Isaga Hartay Loolanka Goolhaye Alisson.

0
Tuesday June 12, 2018 - 14:17:46 in Wararka by
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool Oo Isaga Hartay Loolanka Goolhaye Alisson.

    Talaado-Suuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-Suuqa


Wararka ka imanaya England ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool si Rasmi ah uga hartay baacsiga goolhayaha kooxda Roma iyo xulka qaranka Brazil ee Alisson.

 

Reds ayaa si weyn loola xiriirinayay goolhayaha reer Brazil kuwaas oo xiriir toos ah la sameeyay kooxda Roma waxna ka waydiiyay helitaanka xiddiga.

 

Shabaka Sky Sport ayaa haatan shegaysa in ay kooxda Liverpool si Rasmi ah uga hartay baacsiga xiddiga iyada oo aan wax dalab ah ka soo gudbin doonin goolhayaha.

 

Sky Sport ayaa intaas sheegaysa in ay Reds isaga hartay baacsiga xiddigan kadib markii ay kooxda caasimada Italy Madaxa Goolhayaha dul dhigtay 70 milyan oo euro.

 

Dhanka kale Sky Italy ayaa aaminsan in kooxda chelsea u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddigan hadii ay goolhayeheeda Thibaut Courtois ka iibiso kooxda Real Madrid.

 

Si kasta ha ahaatee kooxda Roma ayaa ka fiirsan doonta in ay aqbasho wax ka badan 100 milyan oo euro hadii uu goolhayuhu qaab fiican soo bandhigo koobka adduunka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip