Rakitic:" Waan Ku Farxi Doonaa hadii uu Cristiano Ronaldo uu ka tago Real Madrid"

0
Tuesday June 12, 2018 - 14:22:56 in Wararka by
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rakitic:" Waan Ku Farxi Doonaa hadii uu Cristiano Ronaldo uu ka tago Real Madrid"

    Talaado-Barcelona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-Barcelona


Xiddiga Kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Croatia ee Ivan Rakitic ayaa qirtay in uu rajaynayo in uu xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ka tago kooxda Real Madrid maadama uu xiddigu yahay xiddiga ugu fiican kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan kooxdiisa Barcelona.

 

Cristaino Ronaldo ayaa lala xiriirinayaa in uu ka tagayo kooxda Real Madrid xagaagan kadib 9 sano oo uu ku qaatay kooxda kulana guulaystay 4 champions League.

 

Rakitic oo la hadlaya wargayska Marca ayaa yiri”Waxa adag in aan sawirto in uu ka tago Real Madrid laakiin Kubada cagta ayaa si deg-deg ah u socota war walbana waa la filan karaa”.

 

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri” Waa xiddiga Farqiga u sameeya kooxda Real Madrid, Been Ma sheegayo ka saaxiib ahaan waxa aan rajaynayaa in uu qaato waxa u fiican mustaqbalkiisa laakiin hadii uu ka tago kooxda ayaa fiican, waanan ku farxi doonaa”.

 

Ronaldo ayaa haatan ku sugan dalka Russia isaga oo isku diyaarinaya ka qayb galka koobka aduunka Russia 2018 kaas oo ay kulanka ugu horeeya la ciyaari doonaan Spain.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip