Barcelona oo ku dhaw saxiixa badalka Iniesta, waa kuma?

0
Tuesday June 12, 2018 - 14:31:39 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona oo ku dhaw saxiixa badalka Iniesta, waa kuma?

    Talaado-Suuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-Suuqa


Kooxda Barcelona ayaa u muuqata mid ay iska cadahay siyaasadeeda suuqa kala iibsiga xagaaga, waxayna kooxda reer Catalonia si aad ah u dooneysaa xidig si wanaagsan kaga ciyaari kara khadka dhexe.

 

Blugarana ayaa u aragta nooca xidiga ay dooneyso inuu yahay xidiga khadka dhexe kooxda Tottenham Hotspur Christian Eriksen, kaasoo ay u aragto inuu yahay xalka booska ay ku biixin karto bixitaankii Andres Iniesta.

wargeyska "Sport” ee gobolka Catalonia ayaa wuxuu sheegay in Barcelona ay qorsheeneyso in saxiixa Christian Eriksen ay u adeegsato xidigeeda sida amaahda ah ku joogo kooxda Inter Milan Rafinha Alcantara.

 

Tottenham Hotspur ayaa xiiseeneesay saxiixa Rafinha Alcantara oo haatan da’adiisu gaarsiisan tahay 25 jir tan iyo suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay.

 

Barcelona ayaana dooneysa inay kaga faa’ideysato arintan xiisaha Tottenham Hotspur ee ku aadan saxiia Rafinha Alcantara, waxayna dooneysaa inay soo qaadato Christian Eriksen, maadaama uu Ernesto Valverde u arko Eriksen inuu yahay badalka saxda ah ee Andres Iniesta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip