Arsenal Oo Heshiis La Gaartay Xidig Sampdoria u ciyaara.

0
Wednesday June 13, 2018 - 11:13:45 in Wararka by
  • Visits: 190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal Oo Heshiis La Gaartay Xidig Sampdoria u ciyaara.

    Arbaco-Suuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-Suuqa


Arsenal ayaa ogolaatay in ay 26.4 milyan kula saxiixato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Sampdoria ee Lucas Torriera sida laga soo xigtay Gurdian.

 

Lucas Torriera ayaa heshiiskiisa lagu bur-burin karay lacag dhan 21.9 laakiin Arsenal ayaa go,aansatay in ay ku darto lacag dheeraad ah si ay saxiixa xiddiga ugu garaacdo kooxda Napoli.

 

Gunners ayaa haatan xiddiga u soo bandhigtay heshiis 5 sano ah waxana uu kooxda ka caawin doonaa in ay khadka dhexe ee daafaca xoojiso.

 

Lucas Torriera ayaa ah saxiixii 2-aad ee kooxda Arsenal ee xagaaga kadib markii ay horay u dhamasytirtay saxiixa daafaca Stephan Lichsteiner kaas oo ay si xor ah ula soo wareegtay.

 

22 Jirkan ayaa ka mid ah 26-ka xiddig ee xulka qaranka Uruguay u matali doona koobka adduunka Russia ee bilaabmi doona maalinta bari ah.

 

Xiddiga ayaa kaliya hal kulan u saftay xulkiisa waxana u ciyaara kulankii ay 2/0 uga badiyeen xulk Czech bishii March ee la soo dhaafay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip