Atletico Madrid Oo Ku Guulaystay Saxiixa Xiddiga Lala Xiriirinayay Liverpool, Waa kee?

0
Wednesday June 13, 2018 - 11:22:56 in Wararka by
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Atletico Madrid Oo Ku Guulaystay Saxiixa Xiddiga Lala Xiriirinayay Liverpool, Waa kee?

    Arbaco-Suuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-Suuqa


Kooxda Atletico Madrid ayaa heshiis hordhac ah la gaartay kooxda Monaco oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara ee Thomas lemar sida laga soo xigtay wargayska L’Équipe.

 

Wargayska reer France ayaa sheegaya in ay wadahadaladii ay ku jireen labada kooxood soo dhamaaday heshiis hordhac ahna ka gaareen saxiixa xiddiga.

 

Xiddigan 22 jirka ah ayaa ku biiri doona Kooxda Atletico Madrid kadib koobka adduunka marka uu dhamaysto ka qayb galka tartanka oo uu haatan kala qayb qaadan doono xulka France.

 

 

Saxiixa Lemar ayaa ahaa muhiimada 1-aad ee kooxd Atletico Madrid kadib markii uu xiddigan qaab fiican soo bandhigay xiisona ka helay kooxo reer yurub ah.

 

Sii kale Atletico ayaa xiddigan ula soo saxiixatay si ay ugu qanciso kooxdana ugu sii hayso xiddiga kooxda ee Antoine Griezmann.

 

Atletico Madrid ayaa xiddiga reer France ka bixisay lacag dhan 65 milyan oo euro isaga oo noqon doona saxiixa 1-aad ee kooxda ee xagaagan.

Atletico ayaa saxiixa xiddigan ku garaacday kooxaha premier League ee Arsenal iyo Liverpool oo saxiixa xiddigan ku raad joogay ilaa xagaagii hore.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip