Carlos Teves Oo sheegay Wakhtiga Uu Ciyaaraha Ka Fariisan Doono.

0
Wednesday June 13, 2018 - 11:30:00 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carlos Teves Oo sheegay Wakhtiga Uu Ciyaaraha Ka Fariisan Doono.

    Arbaco-Boca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-Boca


Xiddigii hore ee kooxaha Man United,City iyo Juventus ee Carlos Teves ayaa waraysi siiyay wargayska Il Corriere della Sera kaliya laba maalmood ka hor bilaabashada koobka adduunka Russia 2018.

 

Teves ayaa ka hadlay fikirkiisa xulka qarankiisa iyo waliba xiddiga ku soo biiray kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez.

 

Isaga oo ka hadlaya Lautaro Martinez oo dhawaan ku soo biiray kooxda Inter Milan ayaa yiri” waa xiddig cajiib ah, waa xidig hami leh, waxa aan u malaynayaa in uu yahay xiddiga da,yarka ah ee ugu fiican Argentina, waad ku raaxaysan doontaan ciyaartiisa Italy”.

 

Isaga oo ka hadlaya kooxda Juventus ayuu yiri” waxa aan filayaa in ay Juventus ku guulaysato horyaalkii 7-aad oo xiriir ah, rabitaankooda ayaa sameeya farqiga”.

 

Markan isaga oo ka hadlaya Goolhaye Buffon ayuu yiri”Waan Fahmi karaa isaga wax fudud maaha in aad ciyaaraha ka fariisato laakiin aniga waxa aan ciyaaraha ka fariisan doonaa dhamaadka 2019, Qofku waa in uu fahmo marka ay tahay in uu joojiyo ciyaaraha”.

 

"Waxa aan ciyaaraha ka fariisan doonaa dhamaadka 2019 waxa aan ku rajo weynaha in aan Boca kula guulaysto kooba Copa Libertadores ka hor inta aan ciyaaraha ka fariisan”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip