Real Madrid Oo Heshay Tababare Cusub, waa kuma?

0
Wednesday June 13, 2018 - 11:52:48 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Heshay Tababare Cusub, waa kuma?

    Arbaco-Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-Madrid


Kooxda Real Madrid ayaa ugu dambayn si Rasmi ah u yeelatay tababare cusub iyada oo ku dhawaaqday tababareheeda cusub ee hogaamin dooona kooxda shaqadana ka badali doona tababare Zinedine Zidane oo ka tagay kooxda Real Madrid bishii Hore.

 

Kooxda Real Madrid ee ku guulaystay champions League ayaa xaqiijisay in tababaraha xulka qaranka Spain ee Julen Lopetegui uu noqon doono tababarohooda cusub.

 

Julen Lopetegui ayaa heshiiska ugu duugay kooxda Real Madrid isaga oo si Rasmi shaqada tababaranimo ee kooxda Los Blancos qaban doona kadib koobka adduunka Russia 2018.

 

 

Real Madrid ayaa maalmihii ugu dambeeyay suuqa ugu jirtay tababare Cusub kadib markii uu Zidane iska casilay shaqada Real Madrid laakiin waxa ay haatan u muuqataa in ay yeelatay tababare cusub.

 

Julen Lopetegui ayaa ogolaaday in uu u saxiixo heshiis 3 sano ah kooxda ku guulaystay champions League waxana uu kooxda si Rasmi ah u qaban doonaa kadib koobka adduunka.

 

Tababare Lopetegui ayaa kooxda Real Madrid ku qaatay markii uu da,yarka ahaa laakiin waxa uu kooxda u saftay hal kulan oo kaliya kooxda 1-aad.

Tababaraha ayaa horay u soo hogaamiyay xulka qaranka Spain ee da,yarka waxana uu dhawaan saxiixay heshiis cusub ee xulka qaranka Spain.

Laakiin Tababarahan ayaa haatan ogolaaday in uu tababare u noqdo kooxda Real Madrid kadib koobka adduunka Russia 2018 gaar ahaan bilowga xilli ciyaareedka dambe




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip