RASMI: Tababarahii Xulka Spain oo Shaqada Laga Ceeyriyay iyo Ciyaartoyda oo ka Wal-Walsan Xaalada xulka Maalin ka hor Bilaabashada Koobka Adduunka!!

0
Wednesday June 13, 2018 - 15:56:39 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Tababarahii Xulka Spain oo Shaqada Laga Ceeyriyay iyo Ciyaartoyda oo ka Wal-Walsan Xaalada xulka Maalin ka hor Bilaabashada Koobka Adduunka!!

    Arbaco-Spain

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-Spain


Xiriirka kubad Cagta Spain ayaa si Rasmi ah shaqada uga cayriyay tababaraha xulka ee Julen Lopetegui hal maalin ka hor koobka adduunka Russia.

Shaqo ka cayrintan ayaa timid kadib markii Julen Lopetegui loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Real Madrid kaas oo shaqada qaban doona dhamaadka koobka adduunka.

Julen Lopetegui ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa 2021 ah laba todobaadk ka hor laakiin Real Madrid ayaa u magacawday badalka Zidane taas oo la macno ah in uuna sii wadi doonin shaqada xulka qaranka.



Madaxweynaha xiriirka kubad acagata ee Luis Rubiales ayaa la aaminsan yahay in uu si xun uga xanaaqsan yahay wakhti ay Real Lopetegui ka dhigtay tababareheeda ama ku dhawaaqday heshiiska.

Arintaas ayaa looga cabsi qabay in ay khal-khal ku rido xiddigaha xulka qaranka Spain iyada oo xiriirka Spain doonayay in aan heshiiska lagu dhawaaqin ilaa kadib koobka adduunka.

Madaxweynaha xiriirka kubada cagata Spain ayaan wali shaaacin tababaraha noqon doona xulka qaranka Spain hogaamin doonana koobka adduunka.

Xiddigaha Xulka Spain ayaa maamulka xulka kula taliyay in aan shaqada laga cayirn tababaraha laakiin xiriirka ayaa si Rasmi ah go,aankaas haatan ku gaaray.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip