Cec Fabregas oo si xun ugu Digtay Tababarahii Spain ee shaqada Laga ceeyriyay, maxuu yiri?

0
Wednesday June 13, 2018 - 16:08:18 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cec Fabregas oo si xun ugu Digtay Tababarahii Spain ee shaqada Laga ceeyriyay, maxuu yiri?

    Arbaco-Spain

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-Spain


Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Spain ee Cesc Fàbregas si daran uga maadsaday tababaraha xulka Spain ee haatan shaqada laga cayriyay.

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Spain ayaa haatan shir ku shaaciyay in shaqada laga cayriyay tababare Julen Lopetegui hal maalin ka hor bilaabashada koobka adduunka.

Shaqo ka cayrinta tababare Julen Lopetegui ayaa timid saacado kadib markii uu heshiis 3 sano ah u saxiixay kooxda Real Madrid si uu tababare ugu noqdo laga bilaabo xilli ciyaareedka dambe.

Xiriirka kubada cagta Spain oo si weyn uga carooday wakhtiga ay Real Madrid ku dhawaaqday saxiixa tababaraha xilli uu xulku isku diyaarinayo koobka adduunka ayaa si deg-deg ah shaqada uga fasaxday Julen Lopetegui.

Kadib markii ay baraha Twitter-ka lagu faafiyay warka uu xiddiga kooxda chelsea ee Cesc Fabregas si deg-deg ah uga fal celiyay shaqo ka cayrinta Julen Lopetegui.

Xiddigan oo uu tababare Julen Lopetegui ka reebay liiska xiddigaha ka qayb qaadan koobka adduunka ayaa bogiisa Twitter-ka qoraal uu uga maadaysanayo tababaraha.

Fabregas ayaa isla markii uu warka arkay ku soo qoray bogiisa Twitter-ka ” Sug Waxa laga yaabaa in haatan la igu soo daro xulka”.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip