DEG-DEG: Xulka Spain Oo Ku Dhawaaqay Tababaraha Qabanaya Shaqada Xulka Spian Saacad Kadib Markii Shaqada Laga Cayriyay Julen Lopetegui

0
Wednesday June 13, 2018 - 16:26:40 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG-DEG: Xulka Spain Oo Ku Dhawaaqay Tababaraha Qabanaya Shaqada Xulka Spian Saacad Kadib Markii Shaqada Laga Cayriyay Julen Lopetegui

    Arbaco-Spain

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-Spain


Xiriirka kubad cagta Spain ayaa Tababare Cusub u magacaabay xulka qaranka Spain saacad kadib markii ay shaqaa ka cayriyeen tababarihii xulka hogaaminayay ee Julen Lopetegui.

Waxa haatan la xaqiijiyay in Fernando Hierro qaban doono shaqada tababaranimo ee xulka qaranka Spain ee koobka adduunka halka tababaraha xulka Spain ee U21 uu noqon doono caawiyihiisa.

Hierro ayaa horay caawiye ugu soo ahaa tababare Carlo Ancelotti markii uu joogay Real Madrid sanadka 2014/2015 halka uu sidoo kale agaasimaha ciyaaraha ka soo noqday kooxda Malaga.

Tababaraha cusub ee Xulka Spain ayaa kaliya tababare u soo nqday kooxda Real Oviedo sanadkii 2016/2017 isaga oo kooxda u soo saari wayay horyaalka heerarka sare.

Hierro ayaa shaqada ka badali doona tababarihii xulka qaranka ee Julen Lopetegui oo shaqada laga cayriyay 24 saac kadib markii uu heshiis 3 sano ah u saxiixay Real Madrid oo uu tababare ugu noqonayo xilli ciyaareedka dambe.

Tababaraha haatan qaban doona xulka Spain oo horay ugu soo ciyaaray kooxda Real Madrid ayaa xulka hogaamin doona kulanka ay Spain la ciyaari doonto Portugal kulankooda ugu horeeya koobka adduunka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip