Taariikhahii Laga Bartay Kulnakii Japan ay Guusha ka Gaareen Xulka Colompia.

0
Wednesday June 20, 2018 - 11:34:19 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhahii Laga Bartay Kulnakii Japan ay Guusha ka Gaareen Xulka Colompia.

    Arbaco-Koobka Adduunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-Koobka Adduunka


Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Shinji Kagawa Iyo Yuya Osako ayaa xulka qaranka Japan ka caawiyay in ay gaarto guushoodii ugu horeeyay ee koobka adduunka Russia 2018.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyin taariikhi ah oo laga diwaan galiyay kulankii Japan lama filaanka uga badisay Colombia.

1.Goolhayaha Eiji Kawashima ayaa noqday xiddigii ugu da,da weynaa ee xulka Japan uga qayb gala koobka aduunka waxana uu jiraa da,da 35 jir iyo 91 maalmood.

2.Kaarkii casaa ee daqiiqadii 2:56-aad loo taagay Carlos Sanchez ayaa ah midka 2-aad ee ugu deg-dega badan taariikhda koobka adduunka kadib markii xiddiga Jose Alberto Batista loo taagay 54 il bidhiqsi koobkii adduunka ee 1986.

3.Goolkii uu dhaliyay xiddiga Juan Quintero ee laadka xorta ah ahaa ayaa ah midkii 4-aad ee koobka adduunka Russia 2018 waxana uu durba dhaafay intii la dhaliyay koobkii adduunka ee 2014 kaas oo kaliya la dhaliyay 3 laad xor ah.

4.Xiddiga Juan Quintero ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee gool dhaliya laba koob adduun oo kala duwan ee xulka Colombia isaga oo dhaliyay 2014 iyo 2018.

5.Xulka Japan ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Asia ee guul ka gaara xul South America ah koobka adduunka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip