Antoine Griezmann oo seegi kara kulanka Peru, sabab?

0
Wednesday June 20, 2018 - 16:28:45 in Wararka by
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antoine Griezmann oo seegi kara kulanka Peru, sabab?

    Arbaco-Aduunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-Aduunka


Xulka France ayay dhirbaaxo ku dhacday kadib markii uu dhaawac soo gaaray xiddiga weerarka uga ciyaara ee Antoine Griezmann kaas oo ku qasbanaaday in uu ka boxo tababarkii maanta ee xulka qarankiisa.

 

Xiddiga reer France ayuu dhaawac ka soo gaaray kuraanta taas oo keentay in uu xiddigan sii wadan kari waayay tababarkii salaasada ee maanta.

 

Si kasta ha ahaatee baaritaanka lagu sameeyay xiddigan ayaa sheegaya in uuna dhaawaca soo gaaray xiddiga reer France khatar ahayn taamna u noqon doono kulanka khamiista.

 

Xulka France ayaa khamiista la ciyaari doona xulka Peru kulankooda 2-aad ee koobka adduunka kadib markii ay guul dirqi ah ka gaareen xulka Australia kulankii hore.

 

Tababaraha xulka France ayaa laga yaabaa in uu door bido in uu kaydka dhigo xiddiga reer France maadama uu ka shaki qabo in uu taam buuxda u noqdo kulanka Peru.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip