Ronaldo : Murugo ayuu ku bilaabay basle farxad ayuu ugu dabaal dagay Rikoodhna ku dhigay

0
Thursday June 21, 2018 - 10:05:44 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 1725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ronaldo : Murugo ayuu ku bilaabay basle farxad ayuu ugu dabaal dagay Rikoodhna ku dhigay

    Khamiis- Moscow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis- Moscow


 

Laacibka kooxda Real Madrid iyo Xulka Portugal Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahanka labaad ee goolasha ugu badan ee heer Caalami adduunka kadib markii  uu gool ka dhaliyay xulka Marococco kulan katirsanaa     koobka adduunka.


Xiddiga Real Madrid ayaa hadda kaliya waxaana ka sareeya halyeeygii hore ee Xulka Iran Ali Deai.


 

Xidiga reer Portugal oo 33 jir ah ayaa dhaliyay inta lagu gudajiray shanti daqiiqo ee u horaysaykulanki Marooco ee ka dhacay Luzhniki Stadium  magaalada Moscow.



Waa goolki 85 ee heer caalami ah uu dhaliyo waxuuna noqday ciyaart=yahanka ugu goolasha badan ciyaartoyda reer yurub, waxaana kaliya ka sareeya Ali Daei (109 gool) dhaliyay.


 

Laacibkii hore ee kooxahaSporting CP iyo Manchester United ayaa ka sare maray halyeegii hore ee Dalka HungaryFerenc Puskas oo (84 gool) dhaliyay.


Sidoo kale waxuu noqday ciyaartoygu ug horeeyay ee Portugal u dhashay oo saddex gool ku dhaliyalugta midig  tan bidix iyo madaxtartan koobka adduunka ah kadib Jose Torres oo sidaas sameeyay 1966 ciyaarihii adduunka ee lagu qabtay dalka Ingiriiska.



 

Ronaldo ayaa horey ugu dhibtooday in uu bandhig wanaagsan ka sameeyo koobka aduunka basle xiddiga shanta jeer ku guulaystay abaalmarinta  Ballon d'Or wuu iska mayray taariikhdii madoobayd ee tartankan ka haysatay waxuuna iminka dhaliyay 4 gool.


Ronaldo ayaa goolki u horeeyay Xulkiisa Portugal u dhaliyay 2004 ciyaar ay 2-1 kaga adkaadeen Xulka Greece duritaanka Euro 2004 oo isla dalka Greece ay fiinaalka ka qaadeen iyagooo tartanka martigelinayay, waxayna u ahayd taariikh murugo basle goolkii Marocco uu ka dhaliyay waxuu ahaa gool farxad iyo taariikh sameeyay.


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip