Barcelona oo ku raad joogta xidig Chelsea muhiim u ah, waa kee?

0
Sunday June 24, 2018 - 13:13:02 in Wararka by
  • Visits: 92
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona oo ku raad joogta xidig Chelsea muhiim u ah, waa kee?

    Axad-Suuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-Suuqa


Kooxda Barcelona ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea iyo xulka France ee N’Golo Kane sida ay sheegayaan wararku.

Todobaadkii hore ayaa la sheegayay in ay kooxda PSG wadahadalo la furtay kooxda chelsea si ay ugala wareegto xiddiga inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

 

Kante ayaa naftiisa ka dhigay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee khadka dhexe ee daafaca waxana uu door muhiim ah ka ciyaarayaa xulka France ee koobka adduunka.

 

Laakiin Sida laga soo xigtay Le Parisien, Barcelona ayaa kooxda PSG ku ciriirin doonta saxiixa Kante waxana ay kooxda reer Spain bilowday dadaalkii ay ku doonaysay in ay xiddiga Camp Nou keento.

 

Wararka ayaa sheegaya in ay madaxda Barcelona ay qoyska Kante ku marti qaaday in ay ka soo qayb galaan kulan ka mid ah kuwii ugu dambeeyay ee Barcelona ee xilli ciyaareedkii dhamaaday iyaga oo kala hadlay heshiiska xiddiga reer France.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip