Xulka Peru oo Guul Taariikhi ah ka gaaray Xulka Australia Koobka Adduunka 2018

0
Tuesday June 26, 2018 - 19:29:57 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Peru oo Guul Taariikhi ah ka gaaray Xulka Australia Koobka Adduunka 2018

    Talaado-Koobka Adduunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-Koobka Adduunka


Xulka Peru ayaa si Rasmi ah u dilay Rajadii Australia ee koobka adduunka kadib guul ay si qurux badan uga gaareen kulankii ugu dambeeyay labada xul ee koobka adduunka.

Peru ayaa gaartay guusheedii ugu horaysay ee koobka adduunka tan ilaa 1978 kadib markii ay guul ka gaareen xulka Australia kulan ka dhacay garoonka Fisht Stadium.

Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh oo ay Australia ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay goolal wakhti hore ah ka dhaliyaan xulka Wakhtiga hore hadhay ee Peru.

 

Laakiin xulka Peru ayaa daafac adag la soo shir tagay iyaga oo qaboojiyay dabkii ku shidnaa Australia ee ay ku doonayeen in ay goolal deg-deg ah ku dhaliyaan.

Peur ayaa ka faa,iidaysatay weerarka ay Australia ku mashquulsantahay waxana ay daqiiqadii 18-aad dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta ahna midkoodii ugu horeeyay ee koobka adduunka oo uu u dhaliyay xiddiga Andre Carrillo.

Dhanka kale xulka Australia ayaa isku dayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta waxana ay qaadeen weeraro joogto ah laakiin waxa ay dhaafi waayeen daafacii birta ahaa ee Peru.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka Peru ku hogaaminayo ciyaarta xilli Australia ay khatar weyn ku jirtay.

Qaybtii dambe ayay Australia raadin bilowday sidii ay u keeni lahayd goolka bar-baraha inta ayna wakhti dambe ciyaartu gaarin.

Laakiin Peru oo doonayay in ay kaliya goolkaas ilaashadaan weeraro rogaal celis ahna qaadaan ayaa hor istaagay isku dayadii Australia.

Peru ayaa daqiiqadii 50-aad kaga naxsatay Australia goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jose Paolo Guerrero kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay ku hogaamianyso Peru ciyaarta.

Xulka Australia ayaa gabi ahaan ka rajo dhigay in ay keenaan goolal kulanka waxana ay weeraradoodu ku fashilmayeen daafaca xulka Peru.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay uu xulka Peru ku gaaray guushii ugu horaysay ee koobka adduunka sanadkan iyo guushii ugu horaysay ee koobka adduunka ee 40 sano kadib.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip